Dhagarqabe Cawar Xareed oo Gacanta Lagu Dhigay

Hawl-gal Balaadhan oo ciidamada Booliska Gabiley ka Fuliyeen Gudaha Magaalada Gabiley ayaa goor dhawayd lagu soo Qabtay Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed) oo ka mid ahaa Eedaysanayaashii Dilkii Seemaal ka dhacay dabayaaqadii sanadkii tagay.

Ciidamo Tiro badan oo uu Hogaaminayo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid ayaa ku Qabtay Cawar Guri ku yaala Magaalada Gabiley oo uu ku dhuumanayay, ciidanka ayaa gaadh ka qabtay Gurigaasi iyaga oo aan wax dhaawac ah soo gaadhsiinin ayay gacanta ku soo dhigeen.

Cawar Xareed ayaa isla markiiba loo gudbiyay Magaalada Hargeisa, Cawar Xareed ayaa ka mid ahaa sagaal nin oo dhawaan wasiirka wasaradda arimaha guduhu magacyadooda ka sheegay warbaahinta isla-markaana sheegay inay ku cadahay inay ka dambeeyeen dilka saddex qof oo dabayaaqadii sanadkii hore lagu dilay deegaanka Seemaal.

Taliyaha ciidamadda Booliska ee Qaybta Gabilay ismaaciil rashiid oo warbaahinta u waramayay ayaa xaqiijiyay qabashadda Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawar Xareed), waxaanu intaasi ku daray in ay hadda u soo gudbiyeen ciidamadda C.I.D ee magaaladda Hargeysa halkaaas oo hadda lagu hayo

Waa Markii ugu horaysay ee Hawlgal noocan oo kale ah laga Fuliyo Gudaha Magaalada Gabiley kaasi oo lagu Baadi goobayo Eedaysanayaal Wasiirka Arimaha Guduhu Warbaahinta ka yeedhiyay Magacyadooda isla markaana lagu guulaystay Eedaysanahan oo uu Wasiir Duur sheegay inuu Ahaa Aabaha Eedaysanayaasha lagu tuhunsanyahay Dilkii Seemaal.

Cawar Xareed Waxa kale oo uu ka mid ahaa Eedaysanayaal tan iyo xukuumadii Daahir Rayaale kaahin Baadi goobkiisa lagu jiray isla markaana lagu tuhunsanaa dilalkii kala duwanaa ee ka dhacay Jidka Dilla iyo kala baydh iyo Dilkii Foosha Xumaa ee ka dhamaadkii sanadkii tagay ka dhacay Seemaal.

gabiley.net

TrackBack Identifier URI