Lughaya: Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Koox Budhcad-badeed Soomaali ah

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan, waxaanu yidhi, Continue reading

Wasiirka Dibudajinta Somaliland , Cabdirisaaq C. Cismaan oo Kawarbixiyay Shaqada Wasaaradiisa

Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin ka dhegaystay Wasiirka dib u dejinta Somaliland Md. C/Risaaq Cali Cismaan, Continue reading

Daahir Rayaale,Madaxweynihii Laga guuleystay oo Booqday Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa (Saylicipress.net)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ahnaGuddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md Continue reading

Musharaxii Ugaasnimada ku soo hongoobay oo ku soo guryo hooyday Ottawa iyada oo aan la soo dhawayn.

 

Ottawa- Waxaan ka war helnay Cabdirashiid Rooble oo ku soo hungoobayin gadabuursi ugaas u doorto ayaa bishan 23keedii ku soo guryo noqday magaalada Ottawa oo dhawr iyo labaatan sano baarkin ku yaala uu ka shaqayn jiray.

Wiilka soo hooyday waxa la socday Suldaanka qurbaha laga dirayee beesha Jibriil Yoonis oo laftiisa la sheegayoinuu ku socdo magaalada Chicago oo uu tagsiile ka ahaa.

War been abuura oo lagu daabacay laba website oon caan ahayn ayaa lagu sheegay inuu Cabdirashiid yahay Ugaas Gadabuursi, beelaha Gadabuursina xoog u soo dhawaysay. Dadka maqaalka beenta ah daabacay, isla markaana waxay faafiyeen sawiro dhab ah oo waxay sheegayeen beenaynaaya, daahana ka qaadey dhowrka qof ee Madaarka kaga hor tagay wiilka soo hungoobey.

Warkaa beenta ah ayaa ah mid loola yaabo laba siyaabood dartood:

1) Cabdirashiid Rooble Doodi maaha ugaas Gadabuursi, tagistii uu dhulkii hooyo uu ku tagayna waa tii keentay in ganafka lagu dhufto loona sheegay inuuna sheegan Karin Ugaasnimo Gadabuursi, balse uu yahay nin beel hoosaadkiisa matala hadday isku raacaan. Ugaas waa kii dad mideeya balse ninkaasi damaciisii ugaasdoon wuxuu keenay inuu kala geeyo tolkii Gadabuursi. Boorama ayaa loogu sheegay inuuna marnaba isticmaalin Karin madaxnimo Gadabuuris, hadduu sidaas yeelana waa gaf uu ka galaayo Gadabuursi. Sidaa awadeed warka beenta ah ee laga been abuuraayo Gadabuursiga Ottawa deggan waa gaf weyn oo loo gaystay magaca karaamada leh ee Gadabuursi.

2) Tan labaad ee keentay in lala yaabo warka been abuurka ah, waxaa cadaynaaya sawirada kuwa beenta abuurey ka soo duubeen madaarka diyaarada ee Ottawa. Sawiradaas waxay ka markhaati yihiin inaan Gadabuursi weynaha Ottawa deggan ninkaas soo dhawayn, inta soo dhawaysayna ay ku eegyihiin inta sawirada ka muuqda oo ah dadkii marka horeba ninkaas qurbaha ka direy eek a dambeeyay qorshaha lagu soo hungoobey ee Gadabuursi kala geeyay.

Markaan u kuurgalnay shaqsiyaadka ka muuqda sawirada waxay u badantahay inay soo dhawaynayeen Suldaan Weber madaamow dhamaantood ka oo jeedaan beesha Suldaankaasi matalo. Halkaa marka laga eego Cabdirashiid Rooble Doodi cidda soo dhawaysay waxay ku eegyihiin walaalkii Mustafe iyo Maxamad Jabuuti iyo xaaskiisa.

Sidaa awadeed, waxaan uga digaynaa Cabdirashiid Rooble Doodi inuu isticmaalo magaca Gadabuursi iyo inuu been ka sheego Gadabuursiga deggan qurbaha sida Canada.

Qurbajooga Gadabuursi waxay ixtiraamayaan go’aanadii aqlabiyada Gadabuursi Boorama ka soo saartay ee nuxurkoodu ahaa inuuna jirin wax ugaas Gadabuursi la yidhaa, waxayana aaminsan yihiin in dhibtii gudaha ka dhacdey Gadabuursi ku filan tahay sidaa awadeedna loo baahnayn in qurbaha laga bilaabo fidmo cusub oon cidna dan u ahayn. Ha la ogaado in Gadabuursiga qurbuhu gaar ahaan reer ottawa si gaar ah ula socdaan dhaqdhaqaaqyada wiilka kala geeyay Gadabuursi, loomana dul qaadan karo talaabooyin meel kaga dhacaya go’aanka kama dambaynta ah ee ganafka ku dhuftay damiciisii farsamo-xumadiisa u hirgalin waayay.

?

 

Isku Shaandhaynta Axmed Silanyo Xukuumadiisu Waxay Bahdilaad ku Tahay Caqliga Waxgaradka Awdal

HARGEYSA – Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamud oo isku shaandhayn ku sameeyey xukuumadiisa mudada badan laga cabanayey ayaa niyad jab galisay shacabkii isbadal doonka ahaa ee u hanwaynaa in ay Somaliland ka dhalato xukuumad isku dheeli tiran oo leh aragti fog. Silanyo iskushaandhaynta uu ku talaabsaday waxa lagu tilmaamay ” Insult to our intelligence.”

Xukuumadu ma waxay raadinaysaa ictiraaf iyo horumar iyadoo ka faa’iidaysanaysa caqliga khabiirada reer Somaliland mise iskushaandhayntu kaliya waxay ahayd si ninka ay isku jufada yihiin Siranyo ee Xirsi Cali uu u helo wasiir magaciisa iyo kaalintiisa la fahmi karo halka uu ku ahaa dulsaarka xukuumadii hore?

“Waxa la is waydiinayaa goorma ayey noqotay sax in beelaha darifyada laga dhigo maskii ninka sixiroolaha ahi sitay ee si uuna u qaniinin kolba lulay si uu u dawakho (wareero) ee uuna u cunin” A. Dahir

Xukuumada Axmed Silanyo waxba kama duwana xukuumadii Dahir Rayale oo cadow (threat) u haysteen jiritaanka qaar ka mid ah beelaha Adal (Awdal, Selel, West Gebilay) halka ay xukuumada Axmed Silanyo ay “threat” ku tahay caqliga beelaha darifyada siday u dhan yihiin.

Sawirka runta ah ee aan ka aragnay xukuumadu waa sida ay xukuumadaha hore u maray u kala dhaxlaan wanaaga iyo horumarka ayey xukuumadaha Afrikaanku u kala dhaxlaan xeerarka guracan iyo falalka ku salaysan “Divide an Rule” Qaybi oo xukun.

Talaabada ugu daran ee xukuumada Axmed Silanyo lagu cafinayn waxay tahay soo noolaynta qabyaalada cad iyo cadaalad darada shacabka reer Somaliland qaarna ay jeelasha u buuxiyeen – qaarna ay u buuxiyeen xafiisyada ha’adaha caalamiga iyo xafiisyada dawlada.

Xukuumadu ma waxay raadinaysaa ictiraaf iyo horumar iyadoo ka faa’iidaysanaysa caqliga khabiirada reer Somaliland mise iskushaandhayntu kaliya waxay ahayd si ninka ay isku jufada yihiin Siranyo ee Xirsi Cali uu u helo wasiir magaciisa iyo kaalintiisa la fahmi karo halka uu ku ahaa dulsaarka xukuumadii hore.

Ismacil Moumin Aar ayaa loo dhiibay wasiirka hawlaha guud halka ay reer Adal lacagaha dhulka lagu dhisayo ay qurbaha uga soo guraan!

Talaabadan Axmed Silanyo waxay fursad u tahay shacabka reer Adal inay fahmaan kaaf iyo kala dheerida shacabka Somaliland iyo waxy reer Waqooyi Galbeed u haystaan inay xukuumadaha isku badbadalaya Hargeysa ay rabaan in ay Somaliland noqoto iyo waxa beelaha darifyadu rajaynayaan inay noqoto.

Fursada labaad ee reer Adal waxay tahay in Hargeysa ayna diyaar u ahayn xukuumad isku dheeli tiran oo ictiraaf rabta oo agendaheedu yahay guul waarta oo shaqaalaha dawlada u qaadanaysa inuu qofku leeyahay aqoonteeda shaqada loo dhiibayo halka aad moodo inay qol madow intay galeen biitooy biito kusoo xuleen isku shaandhaynta cusub.

Wali wuu maqan yahay saamiga beelaha darifyadu!

Goorma ayuu Mohamed Cabdilahi Cumar oo dalka Holland qaxootinimo u joogay uu ka khibrad batay Sicid Cali Wayrax oo ahaa agaasimihii arimaha dibeda ee xukuumadii Somaliya. Xukuumadu ma ay cadayn sobobaha ay ugu talaabsatay iskushaandhaynta xukuumada kaliya waxa ka muuqata ciyaar ciyaar ay xukuumadu shaqo ka dhiganayso awoodeeda iyadoo ay ku ciyaarayso caqliga waxgaradka reer Adal iyo beelaha daraifyada.

Goormuu Maxamed Rashiid Sheekh Xassan noqday wasiiru dawlo ka hoos shaqeeya wasaarada arimaha dibeda isagoo ka aqoon iyo kartiba badan ninka ku fadhiya kursiga?

Saami qaybsigii iyo cadaalad ayaa looga fadhiyaa xukuumada iyo inay ka baxdo ciyaar ciyaarta oo ay qaatado kaalinta lama huraanka ah oo ku salaysan hogaan isticmaalaya caqli toosaan oo ujeedo waarta leh oo si wanaagsan u isticmaala xooga iyo caqliga shacabka Somaliland halka ay ka muuqato inay bahdilaad ku tahay shacabka ADAL iyo dhamaan beelaha darifyada iyadoo xukuumadu isticmaalayso qabyaalad cad oo ay ku koolkoolinayso shacabka Hargeysa.

Ma’garatay in aqoonta Axmed Silanyo ee London School of Economics ay uga muhiimsan tahay “divide and rule” iyo isticmaalida qabyaalada qaawan. Maxaa taqaanaa muhiim ma’aha waxa ka muhiimsan ayaad tahay ama taqaanaa? Waana mid usaamaxaysa beelaha darifyada inay raadsadaan hab maamul oo ka duwan kani imika jira oo ku salaysan nidaam fedaraali ah iyagoo iska iloobaya khilaafkii iyo is aamindaradii ay xukumadii Rayale soo kala dhexdhigtay.

Bahda SayliciPress

Dood Kusaabsan Qaadka iyo Dhibaatada Bulshada Holland


Jidka Jaamacadda Camuud iyo Boorama isku xidhi doona oo la bilaabay dhismihiisa:Mohamed Bili-Bili

Ethiopia, South Sudan, Djibouti Talk Infrastructure, Integration

DDIS ABABA — Ethiopian Finance Minister Sufian Ahmed inked a Memorandum of Understanding last week with his Djibouti counterpart Elias Dawaleh Mussa and South Sudan’s Minister of Petroleum and Mines, Stephen Dhieu Dau, in the Ethiopian capital.

The tripartite agreement will promote greater regional integration and infrastructure projects between the three east African countries. The deal includes the construction of oil pipelines, fibre optic connections and the extension of the Djibouti-Ethiopia to South Sudan railway system.

The construction of pipelines stretching for several thousand kilometres will be undertaken by Hong Kong based Chinese company, PetroTrans. It will run from South Sudan oilfields to the Port of Djibouti via Ethiopia’s Gambella region which itself is said to have vast oil deposits.

Mr. Mussa on his part said the inking of MoU demonstrated Djibouti’s pivotal space of great geo-strategic importance and the strengthening and deepening trilateral relations between the three countries. He reaffirmed Djibouti’s commitment in providing access to modern port facilities to both Juba and Addis Ababa.

South Sudan recently announced that it would halt its oil production accusing Khartoum of stealing its oil export. It said it would instead export via Djibouti.

Mr. Dau said the deal will help alleviate hunger and poverty in the region, in particular South Sudan.

Somalilandpress

24 March World Tuberculosis Day

Tuberculosis, MTB, or TB (short for tubercle bacillus) is a common, and in many cases lethal, infectious disease caused by various strains of mycobacteria, usuallyMycobacterium tuberculosis. Continue reading

Golaha wakiilada oo Baashe maxamad Faarax u Doortay Gudoomiyaha Kowaad ee Golaha Wakiilada

Hargeysa (Saylicipress)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta doortay Guddoomiye ku xigeen kowaad iyo Guddoomiye labaad, ka dib markii Guddoomiye ku Continue reading