Madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif Ayaa Yidhi Somaliland Raalli-gelin Ayaan U geynay Wixii Dhacayna Waxaa Mas’uul Ka Ahaa Maamul Jiray

Continue reading

Wasiirka Warfaafinta Oo Sharaxay Sabaabta Somaliland U Doonayso In Somalia Ka Baxdo Xiligi Ku Meel Gaadhnimada

Hergeisa (SPN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna afhayeenka xukuumadda Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa si buuxda sharraxaad uga bixiyey sababta Somaliland u taageertay in Soomaaliya ka baxdo mudada kalaguurka ah ee ku-meelgaadhnimada, taasoo uu ku sifeeyey in aanay macnaheedu ahayn in Somaliland qayb ka noqotay jilayaasha ku bahoobay waxa loo yaqaano khariidada nabadda.

 

Warsaxaafadeed Wasiir Boobe soo saaray shalay oo uu faahfaahin dheeraad ah kaga bixiyey qaabka wadahadallada iyo waxyaabaha Somaliland iyo Soomaaliya ka wada-xaajoonayaan waxa uu u qornaa sidan:

 

“Intii u dhexeysay 20kii iyo 21kii Juun, 2012ka, ergooyin ka socday Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa wada-hadallo ku yeeshay magaalada London, iyagoo ka dhaqaaqayay ama fulinayayba war-murtiyeedkii ka soo baxay shirarkii London iyo Istanbul. Labadaas war-murtiyeedba waxay ka hadlayeen in la taageero oo la taakuleeyo wadahadallo dhexmara labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda ku-meel-gaadhka ah ama ciddii dhaxasha.. Wadahadalladan waxa looga gol lahaa in laga caawiyo sidii ay u qeexi lahaayeen xidhiidhada ay mustaqbalka yeelanayaan. Ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha DIbadda ee Somaliland, waxaanay ka koobnayd shan xubnood.

 

Kulankaas London ka dhacay waxa shiishka la saaray u-gogol-xaadhka wadahadallada mustaqbalka iyo meelaha ay iska kaashan karaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda ku-meel-gaadhka ah ama cidda dhaxashaa. Shirkan London ee ugu dambeeyay wuxuu ugu baaqay labada Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda ku-meel-gaadhka ah in ay sida ugu dhaqsaha badan u falanqeeyaan, una eegaan horumarka laga gaadhay wadahadalladan. Sidaa darteed, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu boqoolay Dubai si ay u soo barakeeyaan war-murtiyeedkii ka soo baxay London ee wadahadalladii ugu dambeeyey la isula meel dhigay.

 

Iyadoo qayb ka ah nidaamka  loo gelayo nabad, deggenaansho iyo dimuqraadiyad ka hana-qaadda Geeska Afrika oo dhan, ergada Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeeyeen taageerada ay u hayaan muddada kala-guurka ah oo ka dhammaata dalka Soomaaliya. Taas macnaheedu ma aha in Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka noqotay jilayaasha Soomaaliya ee ‘Road Map-ka’ wadaaga. Waxa keliya ee arrintan looga gol leeyahay waa in si dhaqso ah loo suurtogeliyo in dawlad sharciyeysan ka hana-qaaddo dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, waana mowqif aynu la wadaagno adduunweynaha oo la wada taageerayo, isla markaana dan u ah Jamhuuriyadda Somaliland. In xilliga kala-guurka ah ee Soomaaliya dhammaadaa, waxay tamar iyo taageeraba u tahay natiijo togan oo ka soo baxda wadahadalladan. Dhammaanshaha xilliga kala-guurka ee Soomaaliya, waxay fursad la mahadiyo u tahay wadahadallada iyo habsami-u-socodkooda.

khudbadahiisii 52-guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanadii somaliland ee 26kii- jun ee 1960kii iyo shirjara’id oo ku qabtay madaarka Berbera 26kii-jun markuu madaxweynu tagayey shirkii dubai iyo wasiirka ayaa kawada dhawaajiyey si isku mid ah somaliland madaxbanaanida somaliland gorgortan ma gali karto.

saylicipress.net

Hergeisa/somaliland

 

Ciidamo Jabuutiyaan Ah Oo Lagu Magacdaray Hiil Ayaa Gordhaw Ka Degi Doona Magalada Muqdisho

Continue reading

Sheekh Maxamuud Sh.C/laahi Muuse Oo Ku Magac Dheeraa Sh.Maxamud Xoogbadane Oo Maanta Aas Qaran Loogu Samayey Magaalada Borama.

Borama(SPN) Allah ha u naxariistii  maanta waxaa magalada boorama lagu aasay sh.maxamuud sh.c/laahi muuse (sh.maxamuud xoogbadane)

aaska sheekha ayaa waxaa ka soo qaby galay culumo awdiin,aqoonyahan, odayada dhaqan iyo dadweyne aad u faro badan

Allah ha u naxriistii sh.maxamuud waxuu dhashay 1945kii waxuuna waxayna wax barshaduusi ku koobnayd culuumta diinta islaamka waxuuna ka soo bartay dalka Ethiopia. sh. waxaa aad looga soamaliland iyo ethiopia oo ah meesha uu wax soo bartay.

naxariistii jano Eebo ha siiye  Sheekhu markii dambe wuxuu can ku noqday magaca sheikh Sarfiile oo kayimid Cilmiga (Sarfiga) oo uu aqoon dheeraad ah u lahaa, waxa kale oo uu sheikh can ku ahaa cilmu Carabiga sida Naxwaha, Balaaqada iyo Funuunta Carabiga oo dhan.

waxaa kale oo sheekh maxamuud lagu xasuusta dhanka siyaasada Sheekhu wuxu kaalin libaaxleh ka qaatay waqtigii nabadaynta Somaliland, oo uu ka mid ahaa Sheekhyadii iyo Odayadii la shaqeeyay Madaxwaynihiihore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

marxuumkii waxuu geeriyooday shalay 28/06/2012 waxaan maanta aas qaran laguu samayey magalada borama.

waxaan ilahay ugu baryaaynaa sheekh maxamuud inuu ilahay naxriistii jano ka waraabiyo helkiisana  samir iyo aamin ka siiyo.

Aamin     Aamin   Aamin

Madaxweynayaasha Labada Dal Ee Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Yeeshay Kulankoodii Labaad Oo Albaabadu U Xidhan Yihiin.

Continue reading

Madaxweynayaasha Somaliya iyo Somaliland oo Heshiis Afar Qodob Kakooban Kusexeexay Magaalada Dubay

 

 

 

 

Dubia -Madaxweyanaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha
Dawlada ku meel gaadhka Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa maanta
Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ku yeeshay kulankoodii ugu
horeeyay. Continue reading

Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo sheegay inay muddo kooban cagta ku marinayaan burcad-badeedda haddii la caawiyo

Continue reading

Dalka Jabuuti oo laga xusayo maalinti ay ka xoroobeen gumeytihii Faransiiska

Continue reading

Shirwaynihii Beelaha Reer Maxamed oo u si Habsami Leh u Socda

Somalia: Welcome Back by Bashir Goth

With the arrest of the notorious Hassan Dahir Aweys, the inevitable defeat and apprehending of Ahmed Abdi Godane, the Joseph Kony of Somalia and his Al Continue reading