Madaxweyne Faroole Oo Maanta Kulan La Qaatay Hayada UNODC Ee Qaramada-Midoobay U Qabilsan Arimaha Burcad Badeeda +Sawirro

Garowe(SPN) Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa kulan la qaatey madaxa barnaamijka Qaramada Midoobey ee soowareejinta burcad badeeda Manuel Pierara iyo xubno ka tirsan UNODC.

Wasiirka cadaalada Puntland Dr.Cabdi Khaliif Ajaayo ,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire ,taliyaha ciidamada Gen.Siciid Dheere iyo Taliyaha Asluubta Gen.Cali Nuur Cumar ayaa dhankooda kulankan ka qaybgalay.halka UNODC ay wehelinayeen Manuel Abdirisaq Maxamed Jaamac oo Puntland u qaabilsan haydan iyo Ajit Joy oo ka tirsan madaxda wacyigelinta burcad badeeda.

Puntland iyo UNODC ayaa la sheegey inay ka wada hadleen sida ay shaqada xabsiyada u socoto ,wacyigelinta burcad badeeda iyo howlagalo Galkacayo looga sifeynayo oo laba bilood socdey.

Sidoo kale waxa UNODC qirtey in dadaalo Puntland sameysey kadib ay suurogashey in hoos u dhac ku yimaado hawlgaladii burcadbadeeda ,waxana la isla soo qaadey kor uqaadida awooda garsoorka oo tababaro la fidiyo iyaga iyo ciidamada Asluubta ee xabsiyada haynaya.

UNODC ayaa masuul ka ah barnaamijka caalamiga ah ee la-dagaalanka burcad badeeda ,waxana gudaha Puntland ay ka wadaa mashaariic xabsiyo lagu dhisayo iyo xarumo kale oo taabacsan dowladda iyadoona aan si rasmi ah loo shaacin ilaa iyo hadda goorta la qabanayo xaflada furitaanka xarunta cusub ee wasaarada cadaalada Puntland oo dhowaan la dhamaystirey.

 

 

Wariye: C/Raxmaan

Saylicipress.net

source:garoweonlne

VIDEO: Raysalwasarihii Hore Ee Dowlada DKMG Mr Gaas Oo Ku Soo Guryo Noqday Magalada Muqdisho Kana Hadlay Shirkii QM Ee Uu Ka Qayb Galay Iyo Waxii U Qabsoomay Ka Dowlad Ahaan

Muqdisho(SPN) Raysalwasarihii hore ee xukumadii sheekh shariif MD: C/wali Gaas ayaa maanta magalada muqdisho ku soo laabtay kadin markii uu shirkii QM  ee lagu falaqyn xaalada soomaliya uu ka qayb galay hadaba markii soo gaaray malagalada muqdisho ayaa warbaahinta halkaas kula hadlay, HADABA HOOS KA DAAWO:

Maraykanka Oo Sheegay In Al-Shabab Gabalkoodii Dhacay Kana Digay Khatarka Ka Iman Karta

        Washington(SPN)Maalmo ka hor ayey ahayd markii ciidama dowlada oo taagerrsanaya ciidamada AMISON  ay dagaal culus ku qaadeen magalada kismaayo ayaa  dowladaha daneya soomaliya ay siyaabo kala duwan ugu hadleen dagaalada ka socdo gudaha dalka soomaliya gaar ahaan magalada kismaayo dowkada maraykanka ayaa ah dowlada sida qotada dheer ugu hadlay.

Kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka  Ee AFRICA Johny Carson oo saxaafadda kula hadlay magaalada Washinton ayaa sheegay in dawladiisu aaminsan tahay in awoodii Al-Shabab si weyn loo wiiqay hase ahaatee ay willi jirto awood ay u leeyihiin fulinta weeraro kale sida uu yiri.

Johny Carson waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay gobolka Jubbadda hoose si weyn loogu wiiqay awoodii Al-Shabab waxaana uu intaa ku daray in magaalada Kismaayo ay aheyd meeshii ugu weyn ee gacantooda ku harsaneyd.
Kaaliyuhu waxaa uu xusay in Xarakadda Al-Shabab ay ahmiyad ciidan iyo dhaqaale ay ku haysatay magaalada Kismaayo haatana ay waayeen waxaana uu xusay inay qorshaha ugu jirto in magaalada Kismaayo ka fuliyaan weeraro uu ugu yeeray kuwa argagixisinimo sida uu yiri.
“Al-Shabab hadda ma laha awood ciidan oo wax difaacan karta laakiin waxay sameynayaan waa inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya taasoo iyada naftogeeda ah halis jirta” ayuu yiri Johny Carson kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda dawlada Maraykanka sidaasoo ay tahayna waxaa uu carabka ku dhuftay inaan la dhihi karin inaan si buuxda la dhihi karin waa laga adkaaday Xarakadda Al-Shabab.
Mas’uulkaan ka tirsan waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxaa uu sheegay in Maraykanku uu dawlada Soomaaliya ku gacan siinayo taageerada ciidan si ay u dhicin inay abuurmaan maaleeshiyo beeleedyo hubeysan oo amaanka qal qal galiya.
Xarakadda Al-Shabab oo horey lagala wareegay magaalooyin ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya ayaa inta badan magaalooyinka ay ka baxaan waxay ka geystaan weeraro iskugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan tasoo haddaba laga dareemay magaalada Kismaayo oo ay habeen ka hor ka baxeen.
Saylicipress.net
Washington.

WAR DEG DEG AH: Qarax Goordhawayd Lagu Bartilmaamsaday Kaniisad Ku Taal Xafada Islii Ee Magalada Nairobi

N

Nairobi(SPN) Qarax ayaa goor dhow waxaa lagu weeraray kaniisad ku taala xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Islii oo ka tirsan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan qaraxaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in nin hubeysan uu bam gacmeed ku tuuray kaniisad ay dad masiixiyiinta ah wax ku caabudaan oo lagu magacaabo St. Polycarps Churc xili kaniisada ay ku dhex jireen dad fara badan oo maantoo kale maalinta kasta oo Axad ah kaniisadaha ku cibaadeysta.

Saraakiisha Booliska ayaa wakaaladaha wararka qaarkood u sheegay in qaraxaas ay ilLaa hadda  waxaa ku dhintay sidaan wararka ku helayno hal qof  tiro kalane waa ku dhaawacmeen  oo caruur ay ku jirto, kuwaAsoo loo qaaday isbitaalada, iyagoo xusay in khasaaruhu uu intaa ka badan karo.

Xaalada xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa kacsan, ciidamo Boolis ah ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay soo buuxiyey, Soomaalida halkaas ku noolna walaac xoogan ayaa soo food saaray iyagoo yareeyey dhaqdhaqaaqa.

ilaa hada cid sheegatay ma jirto mas’uuliyada qaraxan lakin waxaa la og yahay in ay ka danbeen karaan xoogaaga Al- Shabab oo intan dane ciido kenyan ah ay kula dagaalamayaan gudaha soomaliya iyadoo ayamanah dagaal xoogan uu ka socdo magalada kismayo oo ay ciidamadu kenyan dhawaan galeen magaladaas oo ay ku  xooganyeen al shabab.

 

Saylicipress.net

Nairob/kenya

HRW: Oo Canbareesay Dilalka Arxandaradda Ah Ee Loo Geysto Wariyaasha Soomalida Ah

Nairobi(SPN) Hay’adda xuquuda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa cambaaraysay dilalka isdaba-jooga ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.

Agaasime ku-xigeenka hay’adda HRW ee Afrika, Leslie Lefkow ayaa sheegtay in 36 saacadood gudahood Muqdisho lagu dilay laba wariye, taas oo ay xustay inay hagardaacinayso dhaqanka isla-xisaabtanka.

Leslie Lefkow waxay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku boorrisay inuu amro in baarintaan degdeg ah lagu sameeyo dilalka suxufiyiinta.

Axmed Cabdullahi Fanax oo u shaqaynayay wakaaladda wararka dalka Yeman ee SABA  iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo shalay maydkiisa oo qoorta laga gooyay laga helay xaafadda Suuqa-Xoolaha, kaas oo wax ku qori jiray barta internetka ee ciyaarahamaanta ayaa ugu dambeeyay wariyeyaal dhowr ah oo muddo siddeed casho ah gudahood lagu dilay MUQDISHO.

Saddex wariye oo laba ka tirsan ay ka howlgalayeen T.V-ga Soomaaliya iyo wariye kale oo idaacad gudaha ah agaasime ka ahaa ayaa 20-kii bishan lagu dilay qarax Muqdisho ka dhacay, iyadoo maalintii xigtay la dilay wariye kale oo idaacad gudaha ah ka howlgalayay.
Leslie Lefkow agaasime ku xigeenka Africa ee Human rights watch ayaa sheegay ugu baaqay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya in uu muhiimad weyn siiyo in baadhitaano deg deg ah lagu samaeeyo dilalka suxufiyiinta.

si kastaba ha ahatee waxaa xowli ku socdo dilalka loo geysanayo wariyaayasha ka howlgala magalada muqdisho iyadoo dilalkooda cid wax iska waydiisa ayna jirin,hada sida warbixina ku xusan waxaa looga fdhiyaa dowlada cusub inay  wax ka qabato bartilmaameedka laga dhigtay suxufiyeenta ka howl gasha gudaha wadanka soomaliya.

Madaxweyne Siilanyo Oo La Sheegay Inuu Xal U Raadinayo Deegaamada Ka Tirsan G/Awdal Ee Ayamahan Danbe Muranka La Galiyey Iyo Halka Ay Raaci Doonan

Continue reading

Horjoogayaasha Al-Shabab Oo Faaruqeyey Magalada Kismaayo

Muqdisho(SPN)Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay xalay isaga baxday magaalada oo ay qeybo ka mid ah hadda joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ah ayaa  sheegay in xarumihii maleeshiyada ay saaka haawanayaan, waxaana dad xamaasadeysan ay ku xoomeen xarumahoodi magaalada, boobna ay u gaysteen.

Ku dhowaad 500 oo maxaabiis ah ayay maleeshiyadu ka sii daysay xabsiyada magaalada. Ciidamada is-kaashanaya wali waxay ku sugan yihiin daafaha magaalada, iyadoo dadka rayidka ah ay ka cabsi qabaan iska hor-imaadyo ka dhaca gudaha magaalada.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay ahayd magaaladii ugu weynayd ee ay Al-shabaab gacanta ku hayeen, iyadoo magaalada Jowhar ay noqonayso tan ugu weyn ee hadda ku hartay gacanta Al-shabaab.

 

Saylicipress.net

Muqdisho/Somalia

War Degdeg Ah:Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Xubinimadii Xildhibaanimo Ka Qaaday Afar Mudane Oo Ka Tirsanaa Golaha Wakiiladda

Hergeisa(SPN) Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta xubinamadii iyo Xisaanadii Xildhibaanimo ka qaaday afar Xildhibaan oo kala ah Axmed Maxamed Beegsi , Ikraan X Daaúud, Maxamed Cali Jibriil iyo Mahdi X Xasan Sugaal, kuwaasoo uu shirgudoonku sheegay inay fasax la’aan fadhiyadii Golaha ka maqnaadeen in ka badan 20 kal-fadhi oo uu Goluhu yeeshay.

Fadhiga Golaha Wakiiladda ee maanta Xilka lagaga Xayuubiyay afarta Xildhibaan waxa shirguddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, waxaanu sheegay Xilka qaadista Afarta Xildhibaan inay u cuskadeen Xeer Hoosaadka Golaha Wakiiladda Somaliland oo dhigaya Mudanaha Xaadiri waaya 20 Kal-fadhi inuu Xubinimadiisa waayayo.

Waxaanu Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax xusay afarta Xildhibaan inay ka maqnaadeen sabab la’aan fadhiyadii Golaha in ka badan 20 Kal-fadhi sidaas awgeed-na ay Go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in ay Lumiyeen Xisaanadii iyo Haybadii Mudananimo.

Mudanayaasha la eryay waxay laba ka mid ahi ka soo jeedeen Xisbiga UCID, halka labada kale ee soo hadhayna ay ka soo jeedaan Kulmiye.

 

Saylicipress.net

Hergeisa/Somaliland

Qudbadii Madaxwaynaha Iran uu ka Jeediyey United Nations –

 

 

Canada Tough on Iran But Won’t set ‘Red Line’ for Military Action

NEW YORK – Canada will not set a “red line” that could trigger military action against Iran to stop its development of nuclear weapons.

Continue reading