Wasiirka Warfaafinta oo dhagax dhigay Mashaariic iyo Dhismeyaal laga hirgalinayo wasaaradaas

Hergeisa(SPN)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa maanta dhagax dhigay mashaariic door ah oo isugu jira dhismayaal, Dib u habayn iyo Qalabayn oo ay bixisay Hay’ada USAID lagana hirgelinayo wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Wasiirka oo ka hadlayey munaasabadda dhagax dhiga dhismayaashaasi ayaa sheegay in mashruuc balaadhan oo maalinta berito si rasmi ah fulintiisu u bilaabanayso ay ka koobnaan doonaan Hool balaadhan oo weriyayaashu wax ku diyaarsan doonaan, labo xafiis oo mas’uuliyiintu isticmaali doonaan, Dib u habaynta Studio-ha Guduudo carwo oo ah Studio-ga Koowaad ee Radio Hargaysa, qolka kaydka cajaladaha ee radio Hargaysa oo la dhisay 1941-kii oo hadda loo bedelayo qaabka Digital-ka iyo labo Studio oo iyana uu yeelan doono Tv-ga Qaranka.

Wasiirku waxa uu cadeeyey in ay ka mid yahiin qaybaha qalabaynta xafiisyada la dhisi doono, Hoolal kale oo laga dhisi doono afaafka hore ee wasaaradda iyo qaybta Sugidda amniga oo albaabada wasaaradda iyo meelo gudaheeda ahba lagu rakibi doono qalab casri ah oo dhinaca ammaanka la xidhiidha.

Md Boobe waxa uu u mahadnaqay Hay’adda mashaariicdan bixisay ee USAID qaybteeda DAI iyo Hay’adaha kale IOM , halka uu Wasiirku si gaar ah ugu mahadnaqay Mukhtaar Axmed Sh aadan oo ah agaasimaha qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan horumarinta wasaaradda iyo guud ahaan gudashada mas’uuliyadda ay qaranka ugu xilsaaran yihiin waxana uu hoos u dhigay inuu wax ka soo qaado dad uu sheegay inay caadaysteen inay Wargaysyada wax been abuur ah ku qoraan kuwaasoo uu ku sheegay kuwo aanay dan iyo muraad ka lahayn isagoo wasiirku ku hal qabsaday tix suugaaneed uu lahaa Abwaankii weynaa cabdi Iidaan Faarax taasoo ahayd: Adiguna Dameeroow Dawankaaga Qaadoo faraskaagi Doolaal dabo Soco ma gaadhide.

Saylicipress.net

Hergeisa/Soamliland

 

WAR DEG DEG AH: Koox Hubaysan Oo Gordhawayd Dil U geystay Qosliyaaga Caanka Ah Ee Maarshale

Muqdhiso(SPN) Allah u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo ka tirsanaa Majaajiliisteyaasha caanka ah ee Hobollada Qaranka Waaberi ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina kadib markii ay kooxo ku hubeysan Bastoolado ay ku weerareen hooygii uu ka deganaa Degmada Waaberi ee Gobolkani Banaadir.

Kooxaha dilka u geystay ALLAHA u naxariiste Cabdi Jeylaani Malaaq ayaa waxa ay tiradoodu gaareysay sedax kuwaas oo ku dilay hooygiisa uu ka daganaa dagmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxaana kooxaha dilka u geystay Marshaale ay ku hubeysnaa Baastoolada iyagoona Madaxa iyo Gacmaha xabad kala dhacay.

Dhaawaca marshaale ayaa la geeyay isbitaalka Madiine isagoona ku geeriyooday isbitaalka sida ay warbaahinta u sheegeen howlwadeenada isbitaalku.

Dhinaca xukumaadaWasiirka wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timada ALLAHA u naxariiste Marshaale oo ka mid ahaa hobolada qaranka ee Waaberi waxa uuna ALLE uga baryay in uu janadii ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna uu Samir iyo iimaan kasiiyo.

ALLE Naxariistiisa Jano Hakawarabiyee, Cabdi Jeylaani Malaaq ayaa ka mid ahaa hobollada Qaranka ee Waaberi waxa uuna ka mid ahaa qof magaca ku leh bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda isagoona soo saaray Riwaayado badan.

Saylicipress.net

Muqdisho/Somalia

Maxkamad Sare Oo Maanta Mar Kale Dhageystay Dacwadaha Ay U Gudbiyeen Qaar Ka Mida Ururadii Hadhay

Hergeisaa(SPN) Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa maanta mar kale dhageysatay dacwado ka dhan ah guddida diwaanta ururada oo ay u soo gudbiyeen qaar ka midi ururadii hadhay.

Ururad maanta dacwadooda la dhageystay ayaa kala ahaa NDP iyo Jamhuuriga, waxaana ay garqanaada u dooday soo bandhigeen cadaymo ay sheegeen in  ay  ku xaqiijinayaan cadaalada daro ay  uu kula kacay guddida diwaangelinta ururada oo bishii  April ku dhawaaqay in ay ku hadheen qiimayntii madax-taabashada.

Laakiin kooxda u doodaysay guddida diwaangelinta oo ka so socotay xafiiska garyaqaanka guud, ayaa iska difaacay eedahaas, waxaana ay ku doodeen in ururadan ay  ay si cad ugu fashilmeen in ay soo baxaan, isla markaana ay aanay  buuxin shuruudaha looga baahnaa.

Intii ay socotay doodan ayaan saxaafada loo ogolayn in ay ka qaybgasho , iyada oo dooda labada dhinac ay ahayd mid aad u adkayd oo xasaasiya,waxaana uu guddoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo guddoomiyanay fadhigii maxkmada uu ku dhawaaqay in  ay dhawaan go’aan ka gaadhi doonaan  dacwada hortaala.

Maalintii ay shalay ayay maxkamada sare dhageysatay dacwad ka timid urur siyaasadeedka UDHIS, iyada oo maalinta beri ahna la  dhageysan doono dacwad ururka Horyaal.

Saylicipress.net

SOURCE:SOMALIAND NEWS PAPERS

Wasarada Caafimaada Ee Somaliland Oo Sheegtay In Xukumada Somaliland Ay Ka Mid Noqotay Dalalka Laga Talaalayo Xanuunka Beer-Xanuunka

Hergeisa(SPN)  Ogow 28-ka bisha July ayaa loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta cudurka beer xanuunka adduunka, iyada oo wadamo badan oo caalamka ah laga xuso maalintaasi.

Somaliland ayaa sanadkan markii u horaysay laga xusay maalinta beer xanuunka adduunka, wasiirka wasaarada cafimaadka Dr Xuseen Maxamuud Maxamed (Xoog) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska ayaa sheegay in 28-ka bisha July dalal badan oo adduunka ah laga xuso maalintaasi beer xanuunka.

Dr. Xoog waxa uu shirkaa jaraa’id kaga hadlay arrimo fara badan oo la xidhiidha waxyaabaha keena cudurkaasi, inta nooc ee uu yahay, sida ugu haboon ee looga hortegi karo iyo sida uu qofku u ogaan karo in uu qabo cudurkaasi, waxaanu sheegay wasiirku in Somaliland lagu daray wadamo la doonayo in sanadka soo socda ee 2013 laga talaalo dadka qaba cudurka hebitaytka gaar ahaana hebitayt B iyo C, kaasi oo ka mid ah noocyada ugu badan ee cudurka beer xanuunka. Isaga oo xusay in dadweynaha Somaliand qaar ka mid ah oo dhiigag lagaga qaaday bangiga dhiiga 6% ka mid ah laga helay cudurka beer xanuunka.“Warka farxad leh ee aan idiin sheegayaa waxa weeye in uu jiro talaalkiisii hebitayt B-ga oo fara baas inagu haya, imikana inaga la inagu daray wadamada la siinaayo talaalkaasi sanadka 2013-ka ayuu toos inoogu bilaabmi doonaa, imikana tababarka shaqaalihii bixinaayay ayaa inta sanadkan ka hadhay la siinayaa, sanadkii hore ayaana la inoo soo ogolaaday bishii Ocotber in la inoogu daro talaalada la ina siinayo talaalka hebitayt B-ga, waana in laga wada faa’iidaystaa, qofkii talaalkaa qaataana waxaa uu ka badbaadi doonaa cudurkaa dilaaga ah ee faraha baas inagu haya. Dadkeena dhiiga laga qaaday ee bangiyada dhiiga lagaga qaaday 6% waxay yeesheen hebitayt B” . ayuu yidhi Dr. Xoog.

Dr. Xuseen Xoog, waxa uu sheegay in sanadkan halku dheg looga dhigay xuska maalinta cudurka beer xanuunka ay tahay qof walawba ogow hebitaaytku wuxuu kaaga dhaw yahay inta aad filayso, isaga oo wasiirku faah-faahin ka bixinaya tirade dadka aduunka ku nool ee la aaminsan yahay in ay qabaan cudurkaasi iyo iyo noocyada ugu badan waxa uu yidhi “hal-ku-dhega sanadka la qaatay dadweynaha aan u sheegayno oo looga dhigayo xasuus xidii ay uga digtoonaan lahaayeen cudurkaa, waxaana weeye qof walowba hebitaaytisku wuu kaaga dhaw yahay inta aad filayso. sababta aanu warkan u sheegaynaa waxa weeye oo ay tahay in ay dadku wax ku qaataan habkii lagaga hor tegi lahaa dhibaatada baxadaa leh, haddii in badan oo dadka ka mid ahi ku baraagaan oo ay fahmaan sida uu cudurkani u fidaayo waxaa suurogeli lahayad in dad badan oo uu ku dhici lahaa ay ka badbaadaan. Waxaa la yidhaahdaa 12-kii qof ee adduunka ku nool qofka mid ah wuxuu qabaa hebatayt ama B ha qabo ama C  ha qabo, gaar ahaana kuwa karoniga ayuu qabaa, markaa wax yar ma aha, waxay la macno tahay 8% ayaa qaba heibtaayt-ka runtii dhibaato aad iyo aad u balaadhan weeye.”

Wasiirka caafimaadku wuxuu intaasi ku daray “Waxaa la yidhaahdaa shan boqol oo milyan oo qof oo adduunka ku nool ayaa qaba hebitaatayska qaba, markaa culayska intaa le’eg ee uu cudurkaasi leeyahay ayaa keentay in maalinta gaarka ah loo sameeyo si ay dadku ugu baraarugaan, weliba shantaa boqol ee milyan ee qof ee qabaa ee adduunka ku nooli waa kuwa wakhtiga raaga ee B-da ama C-du keenay sida qarsoon dadka u dilaya, sanadkiiba ugu yaraan hal milyan oo qof ayaa hebitaytka qaada dunida.”

Wasiirka caafimaadka Somaliland mar uu ka hadlayay waxyaabaha keena cudurka beer xanuunka iyo sida ugu haboon ee looga hortegi karo waxa uu yidhi “waxyaabaha keenaa waa laba siyaabood uun cunto iyo biyo aan nadiif ahayn, kaasi waa ka ka yimaada hebitayt A-ga iyo hebataayt B-ga, dhibtiisuna way ka yar tahay ka wakhtiga dheer, laakiin muddo gaban ayaa qofka uu helaa uu kaga badbaadaa ama ku dilaa, wejiga labaad ee uu qofka ugu soo gudbi karaa waxa weeye dhiig aan caafimad qabin oo lagu shubo oo hebitaaytka qof qaba laga soo shubay ama dheecaan kale oo jidhka soo gaadha oo ka yimaada qof qabay heibtaaytiska, kuwa ugu badana waa hebitayt B-ga iyo heibtayt C-ga kuwa wakhtiga badan raagana waa kuwaa, Waxaa loo baahan yahay biyaha in la iska nadiifiyo oo la kar-kariyo, cuntada in laga daboolo duqsiga, isticmaalka suuliga oo lagu dadaalo, saxarada oo la asturo, haddii ay suurtogeli waydana in meel lagu aaso oo duqsiga laga qariyo, marka suuliga laga soo baxo oo gacmaha saabuun lagu dhaqo, marka uu cuntada cunaayho ka hor oo gacmaha sauun lagu dhaqo, biyaha oo kiniinka la nadiifiyo lagu isticmaalo, ama la kar-kariyo, intaas ayaa keenaya in ay inaga xakameyan”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “muhiimada ay leedahay arrintani dadweynaah in lagu baraarujiyo la bilaabay isla markaana laga warbixiyo siyaabaha looga hortegi karo ee loo yarayn karo mushkilada xanuunkan maalin caafimaad marka la sheego sida maalinta malaariyada adduunka , maalinta Aydhiska adduunka, waxay tilmaamaysaa culayska caafimaad daro ee uu adduunka ku keenay oo ay lagama maarmaan noqotay in dadka sanadkiiba mar la xasuusiyo, sigaar ahna xasuuska wayn ta kale hadana loo sameeyo sanadkiiba mar si dadweynuhu wacyigelin dheeraad ah iyo aqoon dheeraad ah ay uga helaan mushkiladan, waayo inta caafimaadka ka shaqaysaa oo keliya waxba kama qaban karaan, haddii aanay bulshada uu cudurku u gudbayaa aanay aqoon badan ka haysan, taas ayaana loo sameeyaa maalmaha caafimaadka”.

“Si loo tilmaamo culayska ay ku leedahay dadyawga adduunka ku dhaqan, beer xanuunka ama hebataytisku laba nooc ayuu u kala baxaa ka wakhtiga gaaban iyo ka wakhtiga dheer, ka wakhtiga gaaban waa mid muddo gaaban qofka haya ama wuu dilaa ama wuu ka kacaa qofku, ka wakhtiga dheerna uma jiifo qofku maalin walbana wuxuu la baxaa unugyo ka mid ah unugyada beerka, sidaas ayaanu ku dhameeyaa beerka gabagabadana wuxuu keenaa inuu u dhinto qofku, markaa beer xanuunka wakhtiga dheeri wuxuu dhaxalsiiyaa in loo dhinto. waxyaabaha keena beer xanuunka ee ugu badan waxay yihiin fayras, way jiraan waxyaabo kale laakiin fayraska ayaa ugu badan waayo fayrasku waa ka had iyo jeer dawadiisa helitankeedu ay ugu adag tahay” Fayraska keena beer xanuunka waxaa loo qaybiyaa Abcde, waxyaabaha uu dadka ka soo raaco rayraska keena beer xanuunka ee uu beerkiisa ku dego”.

Saylicipress.net

Hergeisa/Somaliland

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Irland Oo Booqasho Ku Soo Gaaray Malagalada Muqdisho Lana Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Qaar ka Tirsan Golihiisa Wasiiradda

Continue reading

Xukuumada Somaliland Oo Hakadgelisay Wada Hadaladii Ay Lahayd Xukuumada KMG Soomaaliya, Digniina U Dirtay Kooxda Xarakatu Islaax.

 

Hergeisa(SPN) Xukuumada Somaliland, ayaa  maanta ku dhawaaqday in ay hakadgelisay wada hadaladii ay lahayd  dawlada KMG ah ee Soomaaliya,,laakiin aanay ka baxayn  wada xaajoodyada ay taageersan tahay beesha caalamku.

Wasiirka arrimaha dibeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta la hadlay  warbaahinta , ayaa sheegay in ay go’aan ku gaadheen joojinta wada hadaladii socday, ilaa inta uu dhamaanayo loolanka siyaasadeed oo ka jira dalka Soomaaliya.

“ Wada hadaladii aanu  dhawaan  u     furmay   Somaliland iyo Soomaaliya anigu waan soo dhaweynaynaa, sida la og yahay Soomaaliya waxa  ka bilaabmsay tartan dhanka siyaasada ah , markaana maamulka cusub ee la filayo ayaan halkaa wada hadalada ka wadi doonaa, markaa arrimahaas ayaanu isku ku meel gaadh ah ugu hakinay.Maamulka KMG ah ee aanu wada hadaladu furnay raali ayaanu ku ahayn,laakiin imik isbdal baa jira”

Waxa kale uu wasiirku sheegay in  xukuumada uu ka tirsan yahay aanay ogolaan doonin in kooxaha Diintu  ay Somaliland gudaheeda farogelin siyaasadeed kaga samaayeen dalalka deriska.

“ Arrinta   waxa ay xidhiidh lahayd shir koox xagga Diinta ahi  Magaalada Hargeysa ku qabteen, hadalada ay saaxafada caalamka siiyeen waxa ay kaga hadleen siyaasada, waxa ay farogelin ku  ahayd siyaasada wadamada deriska sida Soomaaliya, cidii doonaysa in ay ka hadlaan arrimo siyaasadeed oo dalka halkan lagama ogola”

Wada hadalada hakadgalay  wejigooda saddex ayaan sida  loo sii amba qaadi doono maamulka Madaxweyne Shariif laga adkaado doorashada dhici doono bisha August,iyada oo qaar ka mida ragga ugu fadal cad tartanku  ay saluugsan yihiin wada hadaladii dhexmaray labada dawladood.

Saylicipress.net

Hergeisa/Somaliland

 

Xanuunka Shuban Biyoodka Oo laga Soo Sheegayo Inuu Ka Dilacay Deegaamada Ay Abaartu Ku Dhufatay Ee Buuralayda Iyo Xeebaha Gobolladda Awdal Iyo Salel

Lughaya(SPN) xanuunka shuban biyood ayaa laga soo sheegayaa inu ku dhuftay deegaamada Gargaara bari iyo Riiga karuulle  oo kawada tirsan degmada lughaya  ee gobolka Awdal dhulkaas oo ay ku dhufteen Abaaraho baahsan oo keenay barakac xoogan.

Tiro caruur ah oo uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka ayaa la soo gaadhsiiyay gaabo caafimaad oo ku yaalla Gargaara iyo Lughaya,kuwaasoo xaaladoodu ay  halis tahay,iyada oo  xarumahan  aanay ahayn  qaar si wanaagsan u qalabaysan.

Shubanka dilaacay ayaa laga cabsi qabaa in uu ku  fido dhulka ka baxan deegaamadaas , goobahaasoo ay ku sugan boqolaal qoys oo abaarta ku barakacay ,kuwaasoo  aan   haysan biyo nadiif ah, isla markaana ka caba  ceelasha dooxooyinka ku yaalla.

deegaanadaas  ayaa  laga soo sheegaya in xaalada  shubanka ay tahay mid war-war ku haysa  dadka tabaalaysan oo aan awood u lahayn in la tacaalaan  mushkiladan cusub,iyada  maamulada xeebaha Galbeedka ay ka gaabinayaan in ay ka hadlaan  xanuunka dilaacay .

Abaarta ka taagan Galbeedka Somaliland ayaa ah tii ugu xumayd ee sannadahan dambe soo marta  dalka, waxaana ay dhamaaday xoolihii  ay dhaqan jireen kumanaan qoys  oo hadda noqday barakacayaal  ku tiirsan garagaar  aan badnayn oo ka yimaada  hay’ado samafal  oo u badan kuwa wadaniga ah.

Saylicipress.net

Lughaya/Awdal

 

Tacsi: Hooyo Axado Miigane oo ku Geeriyootay Magaalada Boon – Inaa Lilaah Wa’inaa Ilaahu Raajicuun

WAXAY TACSI U DIRAYAAN DHAMAAN REER NUUR KADIYE HANDE IYO XAASASKA, CARUURTOODA  OO BISHAN 21/07/2012  AY HOOYO AXADA MIIGANE KU GEERIYOOTEY MAGAALADA BOON WAXAANAN ILLAAHEY UGA BARYEEYNA IN UU JANNADII FARDOWSA KA WARAABIYO DHAMMAANA EHELADII IYO QARAABADII AY KA TAGTEYNA SAMIR IYO IIMMAAN KA SIIYO  AMMIIN  AMMIIN

VIDEO: Sul.Jamac Samatar Oo Qaadhaan Ka Yimid Qurbajoogta Ku Wareejiyey Shalay Gudiga Abaaraha Ee Goboladda Awdal Iyo Salel

Source:Awdalmedia.com

Ansixinta Dastuurka Oo Galay Maalintii Labaad Iyo Dibadbaxyo Lagu Taageersan Yahay Shirka Ansixinta Dastuurka Oo Saakay Ka Bilowday Muqdisho+Sawirro

Muqdisho(SPN) Dibadbaxyadii ugu waaweyn ee abid ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa saakay ka bilowday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu taageerayo shirka lagu ansixinayo dastuurka qabyo qoraalka ah ee ka furmay xarunta dugsiga Booliska ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaha dibadbaxaya ayaa socod dheer ku soo maray waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo sita boorar ay ku qoran yihiin qoraallo lagu taageerayo shirka iyo qaar kale oo lagu gubaabinayo ergada ka qeyb galeysa ansixinta dastuurka inay degdegjiyaan howlahooda.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Muqdisho ee iyagu dibadbaxyada ka qeyb qaadanaya ayaa ku soo labistay calanka Soomaaliya, iyagoona gacmaha ku sida calanka Soomaaliya, boorar iyo caleemo qoyan oo ay ku muujinayaan farxadda ay u qabaan shirka ansixinta dastuurka.
sila markaana ay ku qaylinayaa dibadbaxayaashu”Wax walba oo horumar horseedaya waan soo dhaweynaynaa, waayo kuma sii jiri karno xilli KMG ah, waxaan doonaynaa Soomaaliya oo dib cagaheeda isugu taagta,” ayay tiri mid ka mid haweenkii dibadbaxa ka qaybqaadanayay”

Dhinaca kale ciidamada ammaanka  ayaa gaaf-wareegayaa wadooyinka iyo  goobta uu shirku ka dhacaya ayaa dusha ka eegaya dibadbaxayaasha oo socod ku maraya waddooyinka u dhow madasha shirka lagu ansixinayo.

saylicipress.net

Muqdisho/Somalia