Lughaya: Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Gacanta ku Dhigay Koox Budhcad-badeed Soomaali ah

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan, waxaanu yidhi, ayaa shaaca ka qaaday inay gelinkii dambe ee shalay gacanta ku dhigeen koox budhcad-badeed ah iyo laash ay wateen degaanka Bullo-xareed oo qiyaastii 10km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Lughaya ee Gobolka Salalka.

“Abaarro 4:00 galabnimo ee maanta [shalay] waxay ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland gacanta ku dhigeen afar nin oo budhcad-badeed ah iyo laashkii ay wateen, kuwaasoo ka yimi dhinaca magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, waxaanay u socdeen sidii ay biyaha xeebaha somaliland uga qafaalan lahaayeen maraakiibta caalamiga ah ee maraya,” ayuu yidhi Admiral Axmed Aw Cismaan oo warbaahinta la hadlay xalay.

Taliye Axmed Aw Cismaan waxa uu ammaanay ciidanka ilaaladda xeebaha galbeed ee gacanta ku dhigay budhcad-badeeddaas, isagoo xusay in ciidankiisu hadh iyo habeen heegan culus ugu jiraan ilaalinta badda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu taliyuhu caddeeyey in afarta nin budhcad-badeedda la qabtay la geyn doono xabsiga dhexe ee caasimadda Hargeysa.

Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Galbeed Mr. Cabdiweli Cabdillaahi Warfaa oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay cawayskii isagoo ku sugan magaalada Saylac, ayaa xaqiijiyey in kooxdaas budhcad-badeedda ah haatan lagu hayo degmada Lughaya, isla markaana Jimcaha maanta loo soo qaadi doono dhinaca Hargeysa, waxaannu intaa ku daray inay ciidammadu la wareegeen laashkii ay wateen budhcaddaas oo uu xusay inay u dhashaan degaannada Puntland.

Tallaabada kooxaha budhcad-badeedda Soomaalida ah ugu soo xadgudbeen biyaha Somaliland, ayaa ku soo beegantay maalin uun kadib markii dalka la keenay 9 nin budhcad-badeed ah oo lagu xukumay waddanka Jasiiradda Seychelles oo dawladda Somaliland la gashay heshiis ku saabsan in xabsiyadeeda lagu hayo maxaabiista budhcadda badaha ee dalkaasi gacanta ku hayo.

xigasho…jamhuuriya

 

TrackBack Identifier URI