M/kuxigeenka Somaliland Saylici Oo Maanta Gaadhey Dhulkii Awoowyaashii Ee Jabuuti iyo Dileyta Maxamed Oo Kusoo Dhaweeyay

 

 

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u kictimaya Dalka Jabuuti.

iyada oo safarka madaxweynekuxigeenka ku weheliyaan Wasiiro iyo Xildhibaano ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ah Af-hayeenka Xukuumadda Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirka Duullista Hawada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Cilmi Geelle iyo Xildhibaan C/raxmaan Talyanle oo ah Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga Kulmiye.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa u sii dhaafi doona Dalka Jabuuti isagoo safar kale ugu sii kicitimo doona Dalka Sweden oo uu hore martiqaad uga haystay munaasibadii 18 kii May balse uga baaqsaday ka qayb galka Xukuumadda uu ka tirsan yahay oo muddo rog-rogaysay balse aakhirkii u dirtay sadex Wasiir.

waftiga madaxweynaekuxigeenka waxaa gegada diyaaraha  Jabuuti ee Aombuli kaga hortagay Raysal Wasaaraha Dalka Jabuuti Dillayte Maxamed Dillayte oo horkacaya raxan golaha Wasiiraddiisa halkaasna si diiran ugu soo dhaweeya madaxweynaha iyo waftigiisa uu horkacayo.

 

TrackBack Identifier URI