Dalka Jabuuti oo laga xusayo maalinti ay ka xoroobeen gumeytihii Faransiiska

Djibouti Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta laga xusayaa sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi uu madaxbannaanidiisa ka qaatay gumeytihii Faransiiska oo ku asteysneyd 27-ka June 1977.

Dowladda  dalka  Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaaldegaya sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeytihii Faransiiska iyadoo fantasyaha maalintan laga dareemayo caasimadda iyo gobollada kale ee dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeybgalay munaasabaddii calansaarka ee xalay lagu qabtay caasimadda Jabuuti ayaa shacabka Jabuuti u diray hambalyo ku aadan maalinta xorriyadda, isagoo ka hadlay halgankii loo soo galay madaxbannaanida Jabuuti wuxuuna u rajeeyay shacabka Jabuuti horumar iyo barwaaqo.

jabuuti  ayaa madaxbanaanidooda ka qaatay Faransiiska maantoo kale 27 June sanadkii 1977 oo ay ka soo wareegtay 35 sano,  waxaana muddadaasi uu dalka Jabuuti ku tallaabsaday horumar la taabankaro oo dhan walba ah.

Goordhow ayaa la filayaa in munasibad balaadhan lagu qaaban doono xarunta madaxtooyada dalka djibouti halkaas oo ay ka soo qayb gali doonaan madaxda dalka majaraha u haysa,Fanaanti dalka oo halkaas heeso taariikh ah ka heesi doona, waxana halkaas ka hadli doona maxadweynaha dalka djibouti oo sidii caadada hayd maalintan oo kale ka hadli jiray taariikhda dalka markii gumaystaha laga kiciyey isagoona ka hadli doona waliba hormarka uu dalku ku talabasaday iyo waxa laga filaayo in dhawan dawladu kaqabato dhinacyada dhaqalaha,waxbarshada,iyo caafimaadka.

saylicipress.net

Djibouti

 

TrackBack Identifier URI