War DEG- DEG Ah:Madaxweynaha Somaliland Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Boobe Si Ku Meel Gaadh Ahna Loogu Sii Dhiibay Wasiir Cadami

Hergeisa (SPN)   Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xilkii ka qaaday Wasiirkii warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe).

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanay u dhignayd sidan:

war-saxafadeed:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XILQ/249/1-1280/082012        xilka kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

Madaxweynuhu:-

Waxa uu Digreetadaa ku yidhi:-

 

UJEEDO:      XIL-KA QAADIS

Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) wasiirkii wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta

 

MUDANE WASIIR: Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

 

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta JSL.

 

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilkii aad haysay, si ku meel gaadh ah  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JSL, Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

TrackBack Identifier URI