Gudoomiyaha Cusub Prof Jaawari Oo Kulankiisu Ugu Horeeyey Magacaabay Gudiga Doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaliya

Muqdisho(SPN) Shirka maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaariyay dhowr xubnood oo ka haray dhaartii baarlamaanka, inkastoo aan la dhaarin 15-kii xubnood ee ay ku jireen hoggaamiye kooxeedyada oo kulanka maanta goobjoog ka ahaa.

Bilowgii kulanka ayaa waxaa gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka codsaday Xildhibaannada iney iska soo xulaan 15 xubnood kuwaasi oo noqonaya gudiga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya kadibna waxa ay Xildhibaannadu iska soo xuleen 15 xubnood kuwaasi oo ay Xildhibaannada Baarlamaanku islamaanta ansixiyeen.

Guddiga doorashada madaxweynaha oo ka kooban min saddex xubnood oo ka yimid shanta beelood ee baarlamaanku ka kooban yahay Markii gudigaasi ay Xildhibaannada Baarlamaanku ansixiyeen ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday in gudiga gudoomiye uu u noqdo General Muuse Xasan Cabdulle oo isagu ahaa gudoomiyihii KMGka ee Baarlamaanka arintaasina wey ka aqbaleen Gudoomiyaha Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya taasi oo gudiga ka dhigeysa 16 Xubnood.

hadaba sidan ayey yihiin magacayada xildhibanada cayimidoona wakhtiga ay dhacayso doorashada madaxweynaha.

  1. Xildhibaan Jen. Muuse Xasan Cabdulle
  2. Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud
  3. Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullaah
  4. Xildhibaan Axmed Cismaan Ibaahim
  5. Xildhibaan Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
  6. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
  7. Xildhibaan Axmed Aadan Cabdiraxmaan
  8. Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
  9. Xildhibaan Axmed Aadan Axmed
  10. Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim
  11. Xildhibaan Aweys Cabdullaahi Ibraahim
  12. Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye
  13. Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim
  14. Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir
  15. Xildhibaanad Sacdiyo Careys Ciise
  16. Xildhibaanad Muumino Sheekh Cumar

Guddigan ayaa waxaa ansixiyay 200 oo xildhibaan, hal mudane ayaa diiday saddex kalena way ka aamuseen, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay in guddigan ay ansax yihiin ayna howshooda wadan karaan.

 

 

Saylicipress.net

Muqdisho/Somaliya

TrackBack Identifier URI