WAR DEG-DEG AH: Gudiga Doorashada Madaxweyne Oo Shaaciyey Wakhtiga La Qaban Doono

Muqdisho(SPN) Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay lagu dhawaaqay ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kulankiisii ugu horeeyay oo uu uga hadlayo ajandayaal ku saabsan qabanqaabada iyo diyaar garowga xilliga doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah afhayeenka guddigaasi ayaa sheegay in kulanka ay maanta yeelanayaan guddiga ay ku go’aaminayaan in lagu dhawaaqo xilliga ay ku haboon tahay doorashada madexwyne oo uu gudigu u qoondeeyey 10 september.

Afhayeenka ayaa sheegay in maalinta berrito ee Sabtida ah la shaacin doono shuruudaha laga doonayo dhammaan musharraxiinta u taagan xilka madaxtinnimada dalka Soomaaliya.

Dadka u sharraxan xilka madaxtinnimada dalka Soomaailya ayaa waxaa ka mid ah madaxdii hore ee dowladdii KMG ah iyo madaxweyne Sheekh Shariif iyo musharraxiin kale oo aad u tira badan.

Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogeen ayaa si weyn u sugaya doorashada madaxweynaha dalka, iyagoo ku rajo weyn in Soomaaliya ay yeelato dowlad rasmi ah oo aan kumeel gaar aheyn.

 

Saylicipress.net

Muqdisho/Somaliya

 

TrackBack Identifier URI