Madaxweyne Siilanyo Oo La Sheegay Inuu Xal U Raadinayo Deegaamada Ka Tirsan G/Awdal Ee Ayamahan Danbe Muranka La Galiyey Iyo Halka Ay Raaci Doonan

 

SIILANYO: waar maxaa naga haysta Beeshan Maxamed Case dhulkeedanu waa lama taabtaan sidii la ii shegay ragii iga horeyey ma taban ma anigaa taab Xaashaa Lilaah.

B.M.C: Siilanyo waan kula socdaa ee waa halkaad ka biyo cabto

Hergeisha( SPN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyoi ayaa la sheegay inuu go’aan cad ka soo saari doono deegaanada waqooyiga Hargeysa ee muranka xaduuduhu ka taagan yahay, isla markaana doorashooyinkii hore ee dalka ka qabsoomay laga xayiray in sanaaduuq cod bixineed la geeyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin deegaanada Ceel-Sheekh, Cabdi Geedi, Bildhaalay, Damasha.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyada, ayaa sheegay in todobaadkii u dambeeyey Madaxweyne Siilaanyo uu ka fikirayay xaaladaha ka aloosan deegaanada waqooyiga Hargeysa ee lagu muransan yahay gobolka ay sharciyan uga tirsan yihiin, kuwaas oo wakhtigan xaadirka ah murankii ka taagnaa uu cirka isku shareeray, isla markaana uu gaadhay in Madaxdhaqameedyada gobollada Awdal iyo Hargeysa ay warbaahinta iskaga jeediyaan hanjabaado kulul oo ku saabsan deegaanadaasi waqooyiga Hargeysa ee laysku haysto gobolka ay sharci ahaan ka tirsan yihiin. Ilaa hada si rasmiya looma oga go’aanka uu ka qaadan doono Madaxweyne Axmed Siilaanyo deegaanadaasi waqooyiga Hargeysa halka ay raaci doonaan iyo mawqifka uu ka qaadan doono in doorashooyinka golayaasha deegaanada laga qaban doono deegaanadaasi, hase yeeshee waxay wararku tibaaxeen in Madaxweyne Siilaanyo todobaadkan horaantiisa go’aan cad uu ka soo saari doono deegaanadaasi muranku ka taagan yahay, isla markaana cadayn doono mawqifka xukuumadiisu ka taagan tahay xalinta khilaafaadka cakiran ee ka taagan wakhtigan xaadirka deegaanadaasi.

Muranka wakhtigan xaadirka ka aloosan deegaanada waqooyiga hargeysa, oo maraya meel xasaasiya ayaa keeni kara isku dhacyo nabadgalyo darro abuuri kara haddii xukuumadu ay sii daawato dagaalada afka ee ka dhex socda Madaxdhaqameedyada gobollada Awdal iyo Hargeysa

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo isagu dhawaan safar kaga soo laabtay deeganadaasi ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u gudbiyay soo jeedin ku saabsan in doorashooyinka laga qabto deegaanadaasi hore xayiraada looga saaray codbixinta doorashooyinka, waxaanu tilmaamay in Madaxweynuhu go’aan ka gaadho mustaqbalka deegaanadaasi halka ay raaci doonaan.

Saylicipress.net,  Hergeisa

Source:Hatuf.

TrackBack Identifier URI