Sarakiil Ka Tirsan Ciidamada NATO Oo Soo Gaaray Magalada Kismayo Ee Xarunta Gobolka J/Hoose

Muqdisho(SPN) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen saraakiil iyo ciidamo ka mid ah NATO iyagoo ka soo degay sida la sheegay dhanka dekadda magaalada Kismaayo, halkaasoo la sheegay inay kulamo kala duwan kula yeesheen saraakiil ka tirsan ciidamada huwanta ee dhawaan qabsaday magaaladaasi.

Warar hoose oo aynu helayno ayaa waxay sheegayaan in kulankaan hadda dekada Kismaayo ay ku yeelanaayaan saraakiisha NATO, Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya uu ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, saraakiisha NATO  waxay  sheegayaan  in ciidamada huwanta looga baahan yahay inay si fiican u sugaan ammaanka magaalada Kismaayo, iyagoo ka codsaday inay u soo gacan geliyaan dadka looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee ay gacanta ku dhigaan.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa ku saabsan amaanka magaaladaasi iyo baahiyaha ciidamada huwantu ay uga baahan yihiin saraakiisha NATO iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka qeyb gashay kulankaasi, sidoo kalena waxay ka dalbadeen in magaalada loo sameeyo maamul ka yimaada dadka deegaanka, isla markaasna aysan dhicin in maamul qole gooni ah ay wadato aan dadka lagu sanduleynin sida ay yiraahdeen.

“Saraakiil ka tirsan ciidanka NATO oo Kismaayo noogu yimid ayaan kulamo la yeelanay waxyaabihii aan ka wadahalnay runtii waan isku afgaranay, wax kasta waxay ku dhamaadeen sidii loogu talogalay, kulan kale ayaa noo harsan oo markale ayey magaalada imaan-doonaan, saraakiisha NATO waxay ka yimaadeen dhanka badda, maraakiib dagaal oo ku sugan xeebaha Kismaayo ayey ka soo degeen” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Raaskabooni oo ka qeybgalay kulamadaasi.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

TrackBack Identifier URI