Guddomiyaha Baarlamanka Oo Sheegay In Qorshaha Baarlamanka Afarta Sano Ee Soo Socota Ay Tahay La Xisaabtanka Xukuumadda

Muqdsiho(SPN) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharraxaadka ka bixiyey dejinta Istaraatiiijiyadda Barlamaanka iyo waxa uu hiigsanayo, isagoo dhinaca kalena shacbiga Soomaaliyeed ku boggaadiyey in ay ballaariyaan kalsoonida ay ku qabaan Barlamaankooda

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo wareysi dhinacyo badan taabbanaya siiyey Radio Muqdisho ayaa ka warramay Istaraatiijiyadda uu ku shaqeyb doono Barlamaanka Soomaaliya iyo kulammo looga arrinsanayo, waxa uu intaa raaciyay in ay ku sii talagalayaan waxa ay hiigsan doonaan sannadaha soo socda.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baarlamaanka ay ka go’antahay la xisaabtanka xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, taasina ay tahay howsha kaliya ee ay uga wakiilka yihiin shacbiga Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku boggaadiyay in ay sii xoojiyaan kalsoonida ay ku qabaan Barlamaankooda, isla markaana ay ka qeyb qaataan wax walba oo qaranka Soomaaliyeed horumarkiisa ah.

Waxaa si dar dar leh ku socda howl sanadeedka Baarlamaanka Soomaaliyeed, taasi ay bar bar socdaan dhismaha hey’adaha dowladda Soomaaliyeed, si loo anba qaado isbaddelka siyaasadeed ee ka hirgala Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in sanadaha soo socda dalkeenna lagu baahiyo horumarka laga gaaray dhinacyo badan oo uu amnigu ugu horreyso.

Hadalkan guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in dhawaan lasoo dhiso xukuumad iyo iyadoo xildhibaanadu ay maalmihii lasoo dhaafay ka shaqeynayeen qorhshe howleedkooda afarta sano ee soo socota.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

TrackBack Identifier URI