Waa arin aad looga xumaado dulmiga lagu hayo reer Awdal!!!

Aniga oo ah shaqsi u dhashay gobolka awdal. kuna nool wadanka
debadiisa, waxaan aad u dareemayaa anagoo aad uga xun dhibaatada
haysata bulshada aan ka soo jeedo ee samaroon.
 waxaan aad u dareemayaa dulmi qaawan oo lagu hayo bulshadaasi, taasoo kaga
imanaysa dhinacyo badan oo ay kamid yihiin dawlada aan wali la aqoon san
iyo kuwa u adeega.

Heshiiskii lala galay beesha isaaq markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye
waxa uu noqday ama uu ku danbeeyay mid dhinac kaliya uun ka shaqeeya
halka dhinaca kale ajandayaal u qarsoon intaa fulinayeen.
Hadaan dib uraacno waxa yaabaha aan wali lays waydiin ee ay kamid yihiin
gumaadkii loogaystay bulshadani reer Awdal waqtigii dagaalkii sokeeye in
maalin kaliya qudha lagaga jaray 347 qof gudaha gobol ka awdal, taasoo ay
daba socotay gumaad iyo dabargoyn hoos ahaaneed oo ay ku qudh
waayeen ilaahay naxariistii jana haka waraabiyee geesiyaal badani sida:

geesigii Shirwac, Maxamed jaamac samatar, Maxamed dhinbiil samatar, Cali
faarax sayax, Xasan Cabdilaahi Maxamuud geele(geele jidgoo), Qaasim
Muuse Habane iyo xildhibaan Aare oo ahaa kii ugu danbeeyay ee dhawaan
inaga baxay.iyagoo naftoodii  qaaliga ahayd ku waayay dadaal ka umada ay-
kasoo jeedaan ay u Hayeen.

Geesiyaashaasi Dhamaantood gacan cadaawe iyo mid u gargaaraysa ayey
hoosteeda ku geeriyoodeen. Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo
dhamaantood. Waxa kale oo taas dheer cadaadis adag iyo caga juglayn
lagu hayo umadan reer awdal; waqti walba Boob, xaalufin iyo dhulbalaadhsi
xaaraana oo lagu hayo umadani reer awdal iyagoo la isticmaalayo
calooshooda u shaqaystayaal reer Awdal ah.

Hadaba waxaa is waydiin leh, waqti in teeleeg ayay arintani jamhuuriyada
ismagacowday ee Somaliland ku hayso Awdallanders-ka ay sii socon
doontaa?

Maxayse cawaaqibkeedu noqon doonaa umadan reer awdal?

Jawaabtu waxay u taalaa umada samaroon dhamaanteed, hadii aan si
dhaqsa ahna looga jawaabin dhibaatooyinkan iyo kuwa kale oo iman doona,
waxay dhaxal siin doontaa., meel aan waxba laga qaban doonin, waxa
lawaayi doonaa dhulbadan oo ay kamid yihiin, magaalooyin iyo tuulooyin
xeebta Gobolka Awdal ku daadsan. Dhulbalaadhansigan cadowtinimada
xambaarsan wuxuu ilaa immika qaatay bankii wajaale oo dawlad ku sheegu
intii dadka reer Dilaad lahaayeen dib uga iibisay calooshooda u
shaqaysatayaal, kaabo-qabiilo kasoojeeda beesha bariga ee Isaaq.

Waxa aan wali la garanayn xildhibaanadii dad kani u doorteen inay
mataalaan waxna ka qabtaan dhibaatadooda halka ay kabaxeen iyo cida ay
ku haleeyeen dad kii soo igmaday oo aan ka ahayn geesiyada qaaliga ah ee
Ikraan Xaaji Daauud oo muujisay dadaalkeeda.Waanan ugu hanbalyay-
naynaa waxaanan u haynaa ixtiraam wayn.Ku wa kalana waxaan faraynaa
sidaasoo kale inay yeelaan. waxaan dadkayga  xasuusinayaa, geesiyadii
umadani oo mar kaliya aan meela lagu xusin sida:

Geesigii qaaliga ahaa ee Cornail Faarax Cawaale ( Cawaale Bustaale),
geesiyaasha inta nool ilaahay cimrigooga ha u dheereeyee waxa ka mid ah:
Sheekh Cismaan, Shinbir, Cabdi Kaamil Cawaale (Naftii hure), geesiga
Dhegjar. Inta inaga hooseysana alla ha u naxariisto sida: geesigii Aadan
Isaaq, geesigii Jaamac Rabiile, geesigii Xasan Cabdilaahi, Galbeedi, Aare,
Shirwac, Maxamed Jaamac Samatar, iyo Cili Faarax Sayax. Ku waasoo qaar
badani noloshoodii u hureen dadaal ka dadkani.

Waxaan ugu abaal gud nay inaan SNM aan baro caruur teenii soo kacaysay,
taariikh dii geesiyada aan soo sheegnayna ku dan bayso meel aan cidina
ogayn.Goor maa laga bixi doo naa sida tan lagu jiro? Koormaa
karaamadiiiyo sharaf tii umadan la xafidi doonaa? Gormaase dulmiga layska
qaadi doonaa?

Omar Sulthan
omarsulthan@yahoo.com

Baaq codsi ah: waxaan ururinaynaa dhamaan geesiyaashaa aan kor ku
xusnay inta nool iyo inta kaleba taariikh nololeedkoodii markaa
akhristayaasha reer awdal wixii aad ku kordhin kartaan usoo dira
lughayanews.org ama lughaya.com……iyo qoraaga maqaalkan Mudane
Sulthan. Mahadsanidiin

December 30, 2006
By Omar Sulthan

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment