Rayale su’aalo iyo jawaabo ma ka qaadi doonaa bulshada waqooyiga Maraykanka

warbaahinta Somaliland waxa lagu hayaa cabudhin wayn iyo cago juglayn sidaasi darteed suaalaha loo baahnaa in la’ waydiiyo madaxwayne Rayale ma waydiin karaan sidaasi darteed in badan ayuu Rayale u dhoofaa dalalka dibeda laakiin ma la’ waydiiyaa mise ogolaadaa in dadku waydiiyaan su’aalaha muhiimka u ah umada ku dhaqan Somaliland?Su’aalaha xiisaha badnaa ee ay haboonayd in rayale laga ogaado waxa ka mid ah:

1- Mishaarada uu Rayale qaato?
2-Passport noocee ah ayuu ku dhoofaa?
3-kharash intee le’eeg ayaa kaga baxa safarkasta oo uu u baxo?
4-Haddii doorashada lagu reebo maxaa u qorshaysan dalka ma ka tegi mise wuu sii joogi?
5-Arinta xeebta gobolka Awdal sideebuu u arkaa?
6-Dhaaqalaha dalku sideebuu u socon hadii la joojiyo suuqa xorta ah oo wax dhoofin iyo soo dejin loo xidho
dad gaar ah oo isaga ay isku dhow yihiin?
7-ma isku dayi doonaa inta u hadhay siyaasad ka duwan tani uu hadda dalka ku wado oo dad badani ka
biyo dideen arinta guurtida iyo miisaaniyada.
8-Muxuu ka og yahay arinta lagu eedeeyey ee EELO American University?
9-Ugaadha dalka laga dhoofiyo ma joojin doonaa?
10-masuuliyiinta maraykanka ee sare ma la’ kulmi doonaa mise kala hadli arinta ictiraafka?
11-weriyayaal masoo raaci doonaan iyadoo ay iska adag tahay arinta vise bixintu?
12-dood furan ma la’ yeelan doonaa Siiraanyo iyo faysal waraabe?
13-arintii tiro koobtu halkay marayso?
14-dad indho indheeya tiro koobta iyo doorashada ma ogolaan doonaa?
15-dad yowga dalka dibadiisa ku nool ma loo ogol yahay in ay doorashada ka qayb galaan?
16-maxay ku dhacday in hogaamiye kastaa uu qoyskiisa dalka ka saaro? arinta xamar waa la gartaa ee
maxay ku dhacday in xitaa Somaliland hogaamiyeyaashu ay qoyskooda dibeda u raraan?
17-ma arin amniga la xidhiidha baa mise waa in ay u helaan waxbarasho saraysa?

Su’aalahan iyo kuwa la mid ah ma suurtoobi karto inuu ka jawaabo ee laakiin anagoo ka faa’iidaysanyna
warbaahinta xorta ah waxaan hwada Rayale u marinynaa in uu oglaado inuu fur-furo siyaasadiisa oo si
madaxbanaa loo waydiin karo danaha umada.

Mohamed Adan
Saylicipress
Alberta, Canada

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment