Muuqaalka Sawiradii Xoolihii ay laayeen dhawaan Roobabkii ka Da’ay G/Awdal -Cidna Uma Maqna Ceelna Uma Qodna Dadkaas ay dhibaatadu gaadhay !

Hashim Goth, G/Awdal, 30 Jan. Muuqaalada Sawiradan waa meelo ka mid meelihii ay
xooluhu ku dhinteen roobabkii xooga badnaa ee ka da’ay bishan 17 ilaa 20dii, waxay
ku tusinayaan reer dhan oo buuxay oo ay u hadhay WAXARYAR, Xeryo Madhan iyo
Guryo laga guuray, waxa kale oo aad ka arki kartaan muuqaalka RAQDA Adhiga iyo
Geela badan ee ku dhintay, weliba sidaas ayaa dadku iska Aasay Raqda xoolaha
LAAGAHA iyo meelaha jeexjeexa ah.

Ilaa hada War buuxa lagama hayo xukuumada dhexe ee Soomaliland oo ka hadlaysa
dhacdadan ay dadka faraha badan ku caydhoobay deegaanadaas iyo waxa loogu talo
galay, waa laba todobaad ku dhawaad waxa masiibadaasi dhacday, welina waxaa is
dul fadhiya Ubadkii, Haweenkii iyo Raqdii xoolaha, waxa isweydiin leh Dadkaasi
sababta loogu Saari waayay Gudi heer Qaran ah ama heer Wasiiro ah ? Inta badan
waxaan Aragna iyada oo hawl fudud loo saarayo gudi heer Qaran ah, Xaalka dadkaasi
waa Cidna uma maqna Ceelna uma Qodna !
Qurba jooga iyo dadka kale ee gargaarka bixiya ayaa laga quudaraynayaa in ay la
soo gaadhaan kaalmo degdeg ah, Waxa lagama maarmaan ah sidii loogu samayn
lahaa Gudi dadkaas u maamusha Sadaqada loo soo diro isla markaana farahooda ku
rida dadka Caydhoobay.

Weriye Hashim Good
Borama, Awdal

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment