salal:magaciisa iyo magacaabidiisa?

salal oo ka mida gobollo hor leh oo Dahir riyaale magacaabay badhtamihii bishan ayaa magaciisa iyo iyo ujeedadiisa magacaabis aysan sidaa uga kala fogayn marka la macneeyo luqad ahaan magaca gobolku sito. waa maxay?ereyga salal marka la macneeyo waxa uu dhacayaa laba macne oo kale ah .
1-SALAL=hurdo ka bood ,baraarug,degdeg,naxdin(tus;hurdadaan ka salalaa…..)

2-SALAL= heehaab,dul wareeg,dabaal joogteyn, sal laan, cago wareejis.markaad eegto dhamaan hadaba macnayaasha kala duwan ee magaca ka muuqda ma u dhadhamayaan sida gobolku ku yimid, xiliga la magacaabay, ujeedada ka dambaysa iyo siyaasad ahaan halka uu dabada ku hayo?

intaas waxaa dheer degmooyin cusub oo ag socda gobolkan lagu baraarugey ama heehaabaya oo aan la hubin xuduudaha ay yeelan doonaan .waxaan maqli jirey maahmaah ingiriisa oo tidhaa: (too many cooks spoil the brouse) oo macneheedu yahay kuukta badan maraqa ayay kharibaan.aniguna waxaan ku dareyaa; hadii degmooyinku bataan armaa xuduuduhu xumaadaan.

Mida ugu danbeysa – Magacu ma’aha Salal ee waa Zelel ee ayaan lagu qaldin wax kale; degaankuna waa mid – wadaniyiinta waa dad kaliya. Wixii soo raaca waa marti. aana magaca dooxa mara wadnaha gobolka Awdal. Marmarbaad map-yadii hore ku arkaysaa iyadoo la qalday xitaa sida loo qoro oo laga dhigo “Silil”.

Yassin Maydhane Geele
 

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment