Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyad Sanadeedka 2012

Fadhigii Golaha Wasiirradda Somaliland, ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda xukuumadda dhexe ee sanadka 2012-ka, taasi oo odoraskeedu dhan yahay 640,920,898,136 shilin, taasi oo sida la sheegay miisaaniyaddii kal-hore ka badan 29.56%.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo u dhignayd sidan:-

“Fadhigii maanta (27/02/2012) ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Gudoominaayeyna Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Waxa lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2012 oo Dhan 640,920,898,136 taas oo 29.56% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011.”

TrackBack Identifier URI