Xukuumadii wadanka Holland oo dhacday iyo Doorashooyin Laqaban Doono 12ka September 2012

Xukuumadii wadaaga ahay ee  wadanka Holland ee uu soo dhisay raysal wasaare Mark Rutte  oktoober 2010 ayaa dhacday   ka dib markii uu ka baxay   xisbiga mayalka adag  ee  lagu magacaabo PVV ee uu hogaamiyo Geert Wilder.

 

21 april 2012 ayaa  raysal wasaare Rutte cadeeyay in wada hadal socday  ilaa  2 bilood  oo ay kula jireen Geerd wilder ay ku guuldaraysteen  in ay soo saaraan  heshiis mideysan  oo ay kudhameeyaan hawlaha u yaala dawlada oo ah gunti giijiska dhaqaalaha  iyo  dulsaarka cashuurta yurub oo  laga dhigay 3%  .

Hadaba heshiisyo hordhaca oo ay isla gaadhay laba xisbi ee ugu waaweyn dawlada PVV iyo CDA  ayaa  waxay u cuntami waayeen  Geert Wilders oo ku  dooday inay dhibaato ku tahay dadka waaweyn ee qaata lacagta hawl gabka ee wadanka sidaasna kaga baxay dawladii wadaaga ahayd.

Sidaa darteed ayaa maalintii  salaasadii ee 23 april  uu raysal wasaare Rutte kulan la yeeshay boqorada wadanka si uu uga war galiyo  goaankiisa  dhicida dawlada iyo  kala daadinta golaha loo yaqaan Tweede Kamer iyaduna  taas waa kuqanacday in lakala diro golaha doorashana loo dareero .

Inkasta oo xisbiyada qaar kudoodeen in doorashooyin la qabto bishan lixaad  ayaa waxa hadda la isku raacay in doorashooyinka loo dareeri doono 12 september 2012.

TrackBack Identifier URI