Sheekh Maxamuud Sh.C/laahi Muuse Oo Ku Magac Dheeraa Sh.Maxamud Xoogbadane Oo Maanta Aas Qaran Loogu Samayey Magaalada Borama.

Borama(SPN) Allah ha u naxariistii  maanta waxaa magalada boorama lagu aasay sh.maxamuud sh.c/laahi muuse (sh.maxamuud xoogbadane)

aaska sheekha ayaa waxaa ka soo qaby galay culumo awdiin,aqoonyahan, odayada dhaqan iyo dadweyne aad u faro badan

Allah ha u naxriistii sh.maxamuud waxuu dhashay 1945kii waxuuna waxayna wax barshaduusi ku koobnayd culuumta diinta islaamka waxuuna ka soo bartay dalka Ethiopia. sh. waxaa aad looga soamaliland iyo ethiopia oo ah meesha uu wax soo bartay.

naxariistii jano Eebo ha siiye  Sheekhu markii dambe wuxuu can ku noqday magaca sheikh Sarfiile oo kayimid Cilmiga (Sarfiga) oo uu aqoon dheeraad ah u lahaa, waxa kale oo uu sheikh can ku ahaa cilmu Carabiga sida Naxwaha, Balaaqada iyo Funuunta Carabiga oo dhan.

waxaa kale oo sheekh maxamuud lagu xasuusta dhanka siyaasada Sheekhu wuxu kaalin libaaxleh ka qaatay waqtigii nabadaynta Somaliland, oo uu ka mid ahaa Sheekhyadii iyo Odayadii la shaqeeyay Madaxwaynihiihore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

marxuumkii waxuu geeriyooday shalay 28/06/2012 waxaan maanta aas qaran laguu samayey magalada borama.

waxaan ilahay ugu baryaaynaa sheekh maxamuud inuu ilahay naxriistii jano ka waraabiyo helkiisana  samir iyo aamin ka siiyo.

Aamin     Aamin   Aamin

TrackBack Identifier URI