nimankii SNM oo ciilka iyo cadhadu ku badanayso.

Waxaynu wada ogsoonahay in SNM ay aaminsantahay inay soomaaliland xoreeyeen laakiin haddii aynu nahay samaroon sheekadaasi waxay inagu tahay riyo. Haddii aad akhrido web-siteyada beesha dhexe ay leeyihiin waxaad moodaa in dhamaantood ay xanuun ka qaadeen kursiga uu daahir rayaale ku fadhiyo.
waxa ay cay iyo aflagaado u geysanayaan madaxweyne rayaale iyo samaroonba madaxa ayaa ku qarxaaya.

waxaan filayaa in aad maqasheen wixii ka soo yeedhay nin ka tirsanaan jiray SNM oo la yidhaa Dr. Dixood wixii uu afkiisa u quudhay isagoo nin weyn ah wuxuu muujiyey nacaybka uu u qabo Rayale iyo bahweynta samaroon iyadoo ay taasi ka simanyihiin.
waxaanse la yaabay mudane daahir rayaale kaahin oo waxaas dhego u lahayn oo tolkii dhegaha ka furaystay halkii laga sugayey in afarta cisho ee xilka samaroon hayo aynu  ku badhaadhi lahayn….

waxaa kale oo aad ogtihiin wixii ka soo yeedhay gudoomiyaha kulmiye siilaanyo 07/04/2008 isaga oo yidhi; haddii la gaadho dhamaadka bisha afraad anigu uma aqoonsani madaxweyne daahir rayaale ee waa in uu guriga madaxtooyada iskaga soo baxaa. taasi oo siilaanyo uu u haysto guriga madaxtooyadu inuu yahay guri uu isagu leeyahay ama uu yahay qofkii badalayey rayaale.

Waxaan jecelahay inaan beesha dhexe u caqli celiyo oo wax u sheego…
walaalayaal ogaada in madaxweyne DAAHIR RAYAALE KAAHIN  uu yahay samaroon, samaroonkuna uu yahay dad diinta ku xeeldheer oo aad wax u barta isla markaa ku dhaqma diinta oo aakhiradooda ilaashada taasi waxaa inii cadaynaya  rayaale inta gobol ee uu ini siiyey iyo hal gobol oo dadkiisa uu siiyey taasi oo cadaaladda kow ka ah.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa doqoni calaf maleh waaryaadda haddii aad rabtaan ictiraaf iyo dawlad la yidhaa somaliland  waar hooy —oo hooy–daysta rayaale waa awliyo la inii soo diraye. Idinka ayuu ini kala dhexjoogaa ee waad isliqi lahaydeen.
allaha u naxariistee waad ogaydeen CIGAAL  hal gobol ayuu bixiyey gobolkiina  jufohoosaadkiisa ayuu siiyey.

Hal arin ayaan farayaa Rayale iyo inta taageersan: in rayale madaxa kor u qaado oo uu naftiisa aamino oo uu xooga saaro in uu magac kaga tego meesha. Siyaasad ahaan waan iska soo horjeesan karnaa laakiin magaca guud, danta guud iyo sharafta dadka waa mid aan si isku mid ah loo baahan yahay in aan u difaacno.

Beesha dhexana ugu danbayn waxaan leehay: Waar ka faa’iidaysta cadaaladda  RAYAALE  haddii kale somaliland riyadeed ka hadha….
 
ELMI AHMED—–MONTIKAARLO
LONDON–UK
elmi545@gmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a comment