Daawo Video: Trailer Filin Cusub Oo Laga Sameeyey Burcad Badeedda Oo Lamagac Baxay“Kapringer:A Hijacking”

Filinkan  cusub oo ay samayntiisa leedahay  Denmark ayaa ka sheekaynaya wadahadalada ka dhex dhaca dadka Maraakiibta iska leh, Shaqaalaha, iyo Afduubayaasha (Burcad Badeedda). Continue reading

Daawo Video: Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland Soo Bandhigay Hub Faro Badan Oo Ay Ka Soo Qabteen Magalada Boorama

Boorama(SPN) Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/laahi Fadal Iimaan oo uu Weheliyo Taliyaha Qaybta Miinada ee Ciidanka Booliska Cumar C/Laahi Qaasaali ayaa maanta soo bandhigay Laba Boqol oo Hoobiye,kuwaas oo ay ciidamada Boolisku ka heleen Guri ku yaal Magaalada Boorama.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Warbaahinta ugu Waramayay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska ee Caasimada Hargaysa ayaa tilmaamay in soo qabashada Hubkan ay kaalin weyn ku lahaayeen dadkii lahaa guriga hubkan la dhigay,oo ku soo wargaliyay Ciidanka Booliska in hubkaasi yaalo Gurigooda.

HADABA HOOS KA DAAWO VIDEO IYO WARBIXINTA OO DHAMAYSTIRAN.

Ciidammo Ka Tirsan Booliiska Dalka Kenya Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Magaalada Gaarisa Ee Waqooyi-bari Kenya

Nairobi(SPN) Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa la dilay mid kalena waa la dhaawacay ka dib markii kooxo hubeysan ay xalay ku weerareen degmada Gaarisa ee gobolka Bari ciidamo Boolis ah oo sameynayey socod roondo ah.

Goob joogayaal ku sugan degmada Gaarisa ayaa sheegay in ciidamada Booliska iyo kooxaha soo weeraray ay dhexmartay tacshiirad socotay muddo daqiiqado ah taasoo laga maqlayey xaafadaha degmadaas.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa markii dambe goobta ka baxsaday, iyadoo askariga ku dhaawacmay israsaaseyntaas loo qaaday isbitaalka degmada Gaarisa oo iminka lagu daweynayo.

Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo aad u hubeysan ayaa soo gaaray goobta uu weerarkaas ka dhacay ee ku taala gudaha degmada Gaarisa kuwaasoo wada howlgalo baaritaan ah oo ilaa saaka socda laguna baadi goobayo kooxihii xalay weerarka soo qaaday.

Degmada Gaarisa oo ah xarunta gobolka woqooyi bari Kenya ee Soomaalidu degto ayaa waxaa ku soo laalaabtay dilal, qaraxyo iyo weeraro ka dhacay goobo kala duwan kuwaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad fara badan oo isugu jiray shacab iyo ciidan, mana jiro war ku saabsan weerarkii xalay oo ka soo baxay saraakiisha Booliska dalkaasi.

Falalkan noocan ah ayaa ka bilowday dhamaan  qaar ka tirsan gobolada ay soomalidu ka  dagto wadanka kenya taas oo sabab looga dhigayaa  kaadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada kenya ay gudaha u galeen soomaliya.

 

Saylicipress.net/Nairobi.

Magacaabistaydii iyo maagistaydii Laba Isku Lamaanaa (Qormadii 19aad)

Hergeisa(SPN) Weli waxaynu ku jirnaa 28kii Ogos 2012ka. Subaxnimadii hore Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa tilifoon ii soo diray. Wuxu igu yidhi arrin degdeg ah ayaa jira ee ii kaalay ama aan kuu imaaddo. Si dhiillo leh ayuu ii la hadlay, anna waan iska fahmay in ay sheekadii xalay tahay. Aniga ayaa xafiiskiisa ugu tegay. Wuxu ii sheegay xalay markii aanu Madaxtooyada ka baxay in ay isaga iyo Samsam halkii aan ka kacay soo fadhiisteen oo ay mowduucii sii wadeen. Waxa kale oo uu intaa igu daray in Madaxweynuhu soo faray in aanay arrintu codsi ahayn, bal se ay amar tahay oo la iiga baahan yahay in aan ku camal-falo, haddii kale isku-dhac imanayo. Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaan ka yaabay. Waxaan aad ula yaabay isku-dhacan uu qofka iiga dhigay ee uu igu leeyahay haddii kale wuu imanayaa. Maxaa isku-dhacba keenay? Awooddaydii xileed ee Wasiirnimo ayaan adeegsaday oo aan laba Agaasime xilkii kaga qaaday. Wasiirku subaxdaa wuxu igu yidhi maxaad labadan nin u sheegaynaysaa maad kuwii aafadan dhigay eridid. Anna yaabay oo idhi: “Oo kuwee?” Ku-ye mushkiladdan waxa u aabo ah dad aan guriga iyo Madaxtooyadaba ka bixin. Wuxu ku daray intaa hore in xataa hanti-dhowrka ay iyagu u yeedheen. Waxaan la yaabay wuxu hadda iigu sheegayo. Wasiirku waxa kale oo uu igu yidhi nimankan aad xilalka ka qaadday magacaabistooda waxa iska leh Madaxweynaha sida uu xalay noo sheegay, bal se markan wuxu u wakiishay Wasiir Geel-jire. Waan la yaabay, hoosna waxaan isku idhi oo Wasiirku ma wuxu moodayaa in Mudane Siilaanyo aanu hadda is-barannay. Si qabow ayaan ugu jawaabay. Waxaanan ku idhi Madaxweynahana Korneyl iyo Janan amarro bixiya midna kuma aan ogeyn, anigana askarinimo iguma uu ogeyn, arrinna wuxu iga taagan yahay halkii aanu Madaxweynaha xalay ku kala tagnay.

Sidii ayaan kaga baxay. Laba iyo saddex jeer oo kale ayaan Wasiirka tilifoon kula soo hadlay bal in uu jawaabtii Odeyga gaadhsiiyay iyo in kale. Maya, ayuu intiiba igu soo celiyay. Waxa isku kay qaban waayay sidii dhiillada lahayd ee uu saaka subaxnimadii ii la soo hadlay iyo sida aanu Madaxweynaha war ugu celin. Run ahaantii, aniguna markii danbe waxaan ka shakiyay in ergo ahaan loo soo diray iyo in kale oo Odeyga naftisii ayaan la hadlay si aannaan isu seegin ama sidii Wasiirkuba sheegayay aannaan isugu dhicin, tiisaba aan raacee.

Ilaahay ha u naxariisto e’, Cabdi Iidaan Faarax ayaa maansadiisii ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’ tuducani ku jiray:

“Damacdaba an raacnee,

Doontaba an yeellee,”

 

Intii aan ka hawl-gelayay Xukuumadda ayaan bartay in isku-dirka iyo war-sheekadu door la yaab leh ka qaataan isa-seegga madaxda qaranka, hagaaska iyo habacsanaanta ka muuqata hab-sami-u-socodka hawlaha qaranka. Sidaa darteed ayaan Madaxweynaha ula hadlay  si  uu toos ugu helo ra’yiga aan qabo oo aanay cid kale iiga tarjumin oo aanay war aanan qabin ama odhanba ugu gudbin.

Waxa kale oo si cad iigu muuqatay in aanu Wasiirkan ila soo xidhiidhay iyo ku kale midnaba ergo noqon karayn. Maxaa yeelay, marka aynu ergo ka hadlayno waxaynu ka hadlaynaa qof u kala ergayn kara laba qof oo arrin dhex maray oo labadaba dhex u ah. Bal se dhaqan ahaan iyo Islaam ahaanba Wasiir Madaxweyne ka socdaa kama ergeyn karo Wasiir kale oo ay Madaxweynihiisii arrin isku seegeen. Sidaa darteed ayaanan ugu qanacsanayn in Wasiirku ergo ahaa bal se aan u arkay nin la iigu soo dhiibay farriin.

Markii warqadda xil-ka-qaadista la ii soo qoray ayaa dhowr meelood la iiga sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibaddu lahaa: “Isagaa qaldan, miyuu amarka Madaxweynaha qaato.” Oo anigu ma in aan isaga ahay ayuu moodayaa.

v  Isla subaxnimadaa 28kii Ogos, waxa isaguna igu soo kallahay Guddoomiyaha Dawan oo ka mid ahaa labadii Agaasime Waaxeed ee aan beddelay. Wuxu iga codsaday in aanu Sabtida sugi karayn ee xilka laga wareejiyo ilaa berri. Waxaan u sheegay sidii go’aanku ahaa in ay Sabtida u soo diyaar-garoobaan xil-wareejinta. Sidaas ayaanu ku kala tagnay. Markii aan Wasiirka Arrimaha Dibadda ka soo baxay, aniga oo Cisbitaalka Guud hor maraya xilli ay saacadduna ku beegnayd ilaa 10.300kii saacadood ayuu Guddoomiyihii Dawan I soo garaacay, waxaanu igu yidhi:

  • Wax xil ah oo aan wareejinayaa ma jiro sidii aan saaka kuu sheegay,
  • Dagaalkaygii aniguna immika ayaan bilaabayaa,
  • Hooyadaana u sheeg,

v  Waxba uma celin oo aan ahayn: wax kasta oo aad samayn karto samee, laakiin hooyo-caygaa dhaqanka kuu noqday waad qoommamayn doontaa,

Qedadii markii aan gurigaygii tegay oo ah halka ugu asturan ee aan Madaxweynaha kala hadli karo, ayaan tilifoon u diray oo aan u sheegay:

  • In ay arrintu halkii xalay taallo oo aanan go’aankaygii ka noqonayn,
  • In aan Agaasimayaasha aan beddelay dhabarka laga taaban oo aan lagu odhan xilka ha tirinina, sida dhacday ee immika mid ka mid ahi ii sheegay. Waxaan intaa ugu daray in ay qarannimada iyo dhismaha hay’adaha qaranba ay wax yeeli doonto.
  • In aanan go’aankaygii beddelin ee uu warqaddiisii xil-ka-qaadista soo qoro ama aan tayda soo qoro, waxaanu iigu jawaabay: “Degdeg ayaad jawaabta u helaysaa.” Aniguna waan u mahad-celiyay.

Labada Agaasime-waaxeed go’aanka aan xilalka kaga wareejinayay waxaan siiyay barqadii ay bishii Ogos ahayd 27ka. In kasta oo meelo badan laga soo sheegay in ay aamminsan yihiin in xilku meerto yahay oo ay wareejinayaan oo xataa mareegta caynabonews ay wareysi caynkaas ah siiyeen oo aad ilaa immika ka dhegaysan kartaan, haddana 28kii bishii wixii barqadii ka danbeeyay waxay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu hanjabayeen in ay shir-jaraa’id qaban doonaan. Arrintaasi wax saxaafaddu moogtahay ma aha oo inta jeer ee loo yeedhay waa ay garanayaan. Waxa la yaab leh waxa ay sheegi lahaayeen.

(La soco…………………….)

Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Maanta Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Magalaada Bosaso +Sawirro

Boorama(SPN) Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof.  Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo kumanaan dadweyne ah oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaan Cabdiweli iyo wefdigiisa oo kasoo ambabaxay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, wuxuu kahor intii uusan dhinaca Boosaaso usoo gudbin kusoo hakaday degmooyinka laamiga ku yaal sida Waaciye iyo Carmo.

Waxyar kahor imaatinkiisa Boosaaso ayuu warbaahinta la hadlay. Wuxuuna sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay sidii uu u booqan lahaa gobolada oo dhan, islamarkaana uu ula kulmi lahaa bulshada reer Puntland.

Dhinaca kale wuxuu mahad balaaran usoo jeediyey dadweynihii sida diiran usoo dhoweeyey, isagoo sheegay in sidan si lamid ah loosoo dhoweeyey markii uu ugu danbeysey ee uu Boosaaso yimaado, oo ahayd bishii Feb ee sanadkan.

Ugu danbeyntii wuxuu guud ahaan umadda Puntland ugu baaqay, in ay dhowraan nabadda, kana fogaadaan wax walba oo midnimadooda wax u dhimi kara, isagoo xusay in nabadda iyo midnimadu ay horumarka lagama maarmaan u yihiin.

Mudane Gaas oo ahaa wasiirkii 1-aad ee xukuumaddii kumeel gaarka ahayd ee uu wakhtigeedu idlaaday, wuxuu imaatinkiisa magaalada Boosaaso kahor soo maray degmooyin badan oo Puntland ka tisan ayna kamid yihiin: Gaalkacayo, Gal-dogob iyo Garoowe.

Waxaa xusid mudan in si weyn loo hadal hayo imaatinka Gaas ee Puntland, dadka siyaasadda ka faalooda qaarkood ayaana aaminsan in uu qabo damac ku aadan sidii uu uga qayb geli lahaa doorashooyinka madaxtinimada ee Puntland ka qabsoomi doona sanad kadib.

 

Source: Hiiranonline

Sannad Guuraddii 20 Ee Ka Soo Wareegtay Markii La As-Aaasay Ururka Al-Islaax (Damul Jadiid) Oo Khartuum Lagu Qabtay

Khartum(SPN) Xaflad aad loo soo agasiimay oo ah Sanad Guuradii 20-aad ee kasoo wareegata Markii la yagleelay Xarakada Ismaaliga ah Al-Islaax (Damul Jadiid), taasi oo ay kasoo qeyb galeen Jaaliyada Soomalieed ee kusugan dalka sudan, Arday, aqoonyahano, Macalimiin, Waxgarad, Saxafiyiin iyo Masuuliyiinta sar sare ee Safaarada Soomaalida ay ku leedahay Magaalada Khartuum ee Xarunta Dalka Suudaan.

Munaasabda oo aan loo kala harin ayaa aheyd mid Heer sare ah waxaa ugu horeyn lagu soo Bandhigay Suugaan ka Tarjumaya Maalmaha CIida iyo Qiimaha ay leedahay Wadaniyada, iyadoo sidoo kale ay meesha kusoo Bandhigeen Abwaaniin ka kala Socday Somaliya iyo jabuuti Barnaamijyo ay ku Muujinayaan Hidaha iy DHaqanka Labada Dal ee Walaalaha ah.

Munaasabadan ayaa hadal kooban ka jeediyay Madaxa Kulanka Dhalinyarada Soomaalieed Mudane Yusuf, wuxuuna umahad naqay kasoo qeybgalayaasha Munaasabdan, isagoo umadda Soomaaliyeed ilaahey uga baryay inuu dhibaata heysata ka saaro.

Sidoo kale Masuuliyiintii Goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Qunsulka Safaarada Somalida ee dalka Suudaan Ibraahim Guure kaas oo sheegay in ardayda looga baahan yahay in ay lashaqeeyaan Dowladda Federaalka si looga baxo dhibaatada heysata Dowladda, isagoo intaa raaciyay in dowlada aynan shaqeyn karin hadii aan lahelin dad la shaqeeya.

Qunsuka ayaa Mahad Balaaran usoo jeediyay Dowladda Dalka suudaan oo uu Sheegay in ay Gacan tii ugu wanaagsaneyd ay siisay Somalida kuwaas oo u oomanaaa Waxbarashada.

Munaasabadan oo ah Mid Sanadkasta Maalinta Sadaxaad ee Ciidul Adxaha ah Lagu Jamciyo Dhalinyarada Somaliyed ee Reer Suudaan ayaa waxaa soo Qaban Qaabiyay Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan (Islaax-Damul Jadiid) iyadoo ay Munaasabadan ku soo idlaatay Jawi heer sare ah aan hore loo arag.

 

Saylicipress.net/Khartoum.

Guddomiyaha Baarlamanka Oo Sheegay In Qorshaha Baarlamanka Afarta Sano Ee Soo Socota Ay Tahay La Xisaabtanka Xukuumadda

Muqdsiho(SPN) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharraxaadka ka bixiyey dejinta Istaraatiiijiyadda Barlamaanka iyo waxa uu hiigsanayo, isagoo dhinaca kalena shacbiga Soomaaliyeed ku boggaadiyey in ay ballaariyaan kalsoonida ay ku qabaan Barlamaankooda

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo wareysi dhinacyo badan taabbanaya siiyey Radio Muqdisho ayaa ka warramay Istaraatiijiyadda uu ku shaqeyb doono Barlamaanka Soomaaliya iyo kulammo looga arrinsanayo, waxa uu intaa raaciyay in ay ku sii talagalayaan waxa ay hiigsan doonaan sannadaha soo socda.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baarlamaanka ay ka go’antahay la xisaabtanka xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, taasina ay tahay howsha kaliya ee ay uga wakiilka yihiin shacbiga Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku boggaadiyay in ay sii xoojiyaan kalsoonida ay ku qabaan Barlamaankooda, isla markaana ay ka qeyb qaataan wax walba oo qaranka Soomaaliyeed horumarkiisa ah.

Waxaa si dar dar leh ku socda howl sanadeedka Baarlamaanka Soomaaliyeed, taasi ay bar bar socdaan dhismaha hey’adaha dowladda Soomaaliyeed, si loo anba qaado isbaddelka siyaasadeed ee ka hirgala Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in sanadaha soo socda dalkeenna lagu baahiyo horumarka laga gaaray dhinacyo badan oo uu amnigu ugu horreyso.

Hadalkan guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in dhawaan lasoo dhiso xukuumad iyo iyadoo xildhibaanadu ay maalmihii lasoo dhaafay ka shaqeynayeen qorhshe howleedkooda afarta sano ee soo socota.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

Ururka Haweenka Soomaliyeed Oo Maanta Muqdisho Ku Doortay Hogaan Cusub +Sawirro

Muqdisho(SPN) haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan balaadhan ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

Hadallo laga jeediyay kulanka ayaa lagu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay go’aansadeen inay dib u habeyn ku sameeyaan ururkan, kaddib guddoomiyihii hore ee ururka ay go’aansatay inay xilkaas iska casisho, kaddib dhaawac kasoo gaaray qaraxii bishii Abriil ee sannadkan ka dhacay golaha murtida  iyo madadaallada Muqdisho.

“Walaasheen Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaan u doorannay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii ay dhaawac awgiis xilka isaga dhiibtay guddoomiyihii hore ee ururka,” ayay tiri Canab Xasan Cilmi oo ah ku xigeenka guddoomiyaha iyo sii haya xilka guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Canab waxay sheegtay in shirkan maanta la qabtay uu yahay mid horay looga soo tashaday, sidoo kalena ay ku doonayaan inay dib boorka uga jafaan ururka oo la dhisay markii ugu horreysay sannadkii 1977-kii.

Khadiijo Cosoble Cali oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay aad u soo dhaweynayaan in Batuulo loo doorto guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ururkaan uu yahay mid la shaqeyn doona guud ahaan ururrada haweenka ee dalka ka jira.

“Ururkan wuxuu ka shaqeynayaa danaha haweenka Soomaaliyeed oo dhan, wuxuu si dhow ula shaqeynayaa ururrada haweenka ee aan dowliga ahayn,” ayay tiri Khaliijo Cosoble oo intaas k dartay in ururkan uusan ahayn mid dad gaar ah u xiran ee ay qayb ka yihiin haween-weynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Marow Khadiijo waxay sheegtay in sharciyada ururka gadaal laga dajin doono, balse hadda la isku raacay in guddoomiyaha ururka uu laba jeer isi sharraxi karo, iyadoo aan la sheegin xilliyada uu xilka hayn karo.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa fanaannada caanka ee Soomaaliyeed, Seynab Xaaji Cali (Baxsan) iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in haween-weynaha Soomaaliyeed ay yeeshaan urur danahooda ka shaqeeya iyadoo dalbatay in howshan aan laga caajisin, haweenkana la gaarsiiiyo illaa heerka ugu sarreeya dalka.

Haween kale ee kulanka ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Faadumo Isaaq Biixi iyo Dahabo Sheekh Maxamuud oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay guddoomiyaha ururka iyo xubnaha kale ee la shaqeyn doona inay si wadajir ah ugu istaagaan daryeelka haweenka Soomaaliyeed oo dhibaatada ugu xooggan ay ku dhacday intii ay dagaallada sokeeye socdeen.

Kulanka ayaa waxaa soo xirtay guddoomiyaha la doortay, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyadoo sheegtay inay codsanayso in mas’uuliyadda xoogga badan ee dusha laga saaray lala qaado, waxayna ballan ku qaaday inay har iyo habeen u istaagi doonto wax u qabashada haweenka Soomaaliyeed mee walba oo ay joogaan.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso ka tarjumaya qiimaha ay hooyadu leedahay, iyadoo inta badan haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayeen guddoomiyaha la doortay Batuulo Gaballe.

 

Saylicipress.net/Muqdisho.

 

Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii Laba Isku Lammaanaa “Boobe Yuusuf Ducaale” Qormadiisii 16aad

Hergeisa(SPN) Waxa laga yaabaa in aydaan sidiisa u garan xigashadii aanu shalay ka soo qaadannay Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi, ee bal hadda aan faah-faahin kooban ku samaynno. Hadda intaasi af-lagaaddaba ha igu ahaato e’. Nin Mujaahid ah oo tilifoon ii soo diray ayaa I xusuusiyay in aan dib ugu yara noqdo.

Damal Shahiid Koosaar xigashadiisii shalay waxay daarranaeyd marka aynu xaaladda maanta taagan ku eegno in aanu qofna hadba sida uu damco yeeli karin. Aan hoos u sii daaddego. Qof reer Somaliland ihi xukuumad markaa taagan inta uu ka soo hor jeesto, xukuumad waqti kale taagan oo labaduba Somaliland yihiin; ma odhan karo mid waan taagersanahay oo dimuqraadiyadda ayaa ii oggol, midna waan ka soo hor jeedaa oo isla dimuqraadiyaddii ayaa ii oggol. Qof Somaliland aamminsani ama ahi mucaarad kuma noqon karo Somaliland. Marka xaaladda maanta taagan lagu eego, waa sidaa, sida uu u jeedaa Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi.

Si fiican oo xogogaalnimo ah ayaan ula socday waxyaabaha wasaaradda ka socday iyo waxyaabaha waxyeellada ku ahaa hawlaha Qarankaba. Tan iyo maalintaa Heshiiska lala galay Shirkadda ‘Satelite-ka’ ee ‘Hotbird’ xafiiska Wasiirka Madaxtooyada iyo Bashe Cawilba waxa kale oo ay ku hawlanaayeen sidii loo beddeli lahaa Heshiiska ‘Thaicom’ oo London ayaa laga raadinayay meel looga guuro. Dhinaca London waxa hawshan kaga jiray Agaasimaha TV-ga Qaranka oo xidhiidh joogta ah la lahaa Madaxtooyada iyo Wasaaradda Warfaafintaba. Hadda in Xukuumadda kharashyada laga yareeyaa wax ceeb ah ma laha, aniguna waxba kama qabin, bal se qaabka wax loo beddelayaa mid muuqda ama xalliiban (transparent) waa in uu noqdaa oo la wada arkayo.

Maa daama aan Wasaaradda imid iyada oo ay xaalad caynkan ahi taagan tahay, aniguna dhinaca ayaan kaga qabtay. Haa……Wasiir Xirsi waan kala hadli jiray arrimahan la xidhiidhay sidii ‘Satelite’-ka ‘Thaicom’ looga guuri lahaa, bal se Baashe Cawil kalama aan hadli jirin kol haddii aanu jirin xil qaran oo aanu wadaagnay oo na kulminayay.

Maalmahaa maalin ka mid ah ayaa e-mailka dhinaca London Agaasimaha TV-gu iiga soo geliyay Heshiis la rabay in aan wasiir ahaan soo saxeexo oo la ii sheegay in Shirkad la yidhaahdo ‘RR Sat’ lala gelayo. Heshiiskii waan saxeexay, waxaanan ku celiyay Agaasimihii TV-ga Qaranka ee London aniga oo ogeysiiyay Wasiirka Madaxtooyadana.

Maalmo ka dib ayaa yaabkii iigu weynaa igu dhacayaa. Waxay ahayd in Heshiiskaas qabyada ahaa la ii soo celiyo iyada oo uu dhinacii kalena soo saxeexay. Waxba la ii ma soo celin. Dhowr maalmood ka dib ayaan si balaf ah ku maqlay Heshiiskii wuu hirgalay oo Baanka Dhexe ayaa lacagtii diraya. Anigu mar walba waxaan la taagnaa Heshiiska ‘Thaicom’ waxa laga baxayaa ama la jebinayaa oo keliya, marka ‘Satelite’ kale oo beddeli kara la helo. Maalin danbe ayaan Baankii Dhexe tegay. La-ye lacagtii Heshiiska ayaa la dirayaa oo hadhow Wasaaradda Warfaafintu bixin doontaa. Anna yaabay oo idhi: “Yaa amarkaa bixiyay.” Qoraal iyo af midna la ii sheegi waa, aniguna madaxdii Baanka waxaan u sheegay oo aan kaga tegay in aanay Wasaaradda Warfaafinta ee aan mas’uulka ka ahay Heshiiskan aqoonsanayn ilaa uu sharci noqdo oo uu dhinaca kalena soo saxeexo. Waxyaabahan sida caadiga ah aad ugu sheekaysataan ayuun baan idiin qorayaaye wax kale ha u qaadanina. Ma is-tidhaahdeen odeygu wuxu yar muujiyay dhego-adayg iyo debecsanaan la’aan aan loo baahnayn. Bal adba!

Been ku hadli maayo e’, aniga oo Juba iyo Koonfurta Soodaan jooga ayaan ka fekerayay in TV-ga laga hoos-saari doono Wasaaradda, ka dibna xaalku gawaan cidla’ ah noqon doono. Bal hadda sheekadan u fiirsada. Agaasimaha TV-ga Qaranka ee maanta xilkaa hayaa beri hore ayuu ka yimid dalka Ingiriiska. Waa waqtigii Hargeysa laga furayay Hargeisa International Book fair-ka (HIBF). Guriga shaqaalaha ayaan ku arkay ama kula kulmay maalmihii loo diyaargaroobayay oo ahayd bishii Juulay. Isaga oo laba bilood joogay Hargeysa gudaheeda ayaanan maalin keliya arkin ama aanu xafiiska iigu iman aniga oo Wasiir u ahaa, xaqiiqaduna waxay tahay in aan ugu magacawnaa bal se cid kale mas’uul ka ahayd una ahayd. Hadalka waxba intaa u dhaafi maayo.

Wuxu ninkaasi ka dhexeeyay Xafiiska Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka iyo Madaxtooyada gaar ahaan ninka Baashe la yidhaado. Shaki igagama jirin in uu jiray qorshe la fulinayay. Dhacdooyin taxan ayaa ii muuqday: beddelaaddii Agaasimaha Guud, Hanti-dhowrkii, Xadhiggii Agaasimihii Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga iyo saansaan badan oo kale. Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee TV-ga Qaranka waa ay ku adkaatay in ay cid kale ku beddelaan, waayo cid kasta oo iman lahaydba waxay ahayd mas’uuliyad aan wasiir ahaan u lahaa oo aan la ii dhaafi karayn. Maxaa loo danaynayay TV-ga? TV-ga wax kale oo loo danaynayay ma jirto mana jiri karin oo aan ahayn dhaqaale. Halkii uu TV-ga Qaranku ka gargaari lahaa hay’ado warfaafineed, ayaa laga door-biday in ay qofaf ku danaystaan sida aan is-idhi. Hadda waa malahayga, in ay dhacdana la arkee. Xidhiidhadii e-maillada waxyaabo badan oo aan ka soo xigan karo ayaa jira oo aanan u hollanayn bal se ka sarriiganayo.

Bal hadda u fiirsada tiro-koobyada aanu hore idiin siinnay. Qaaradda Maraykanka saddex qof ayaa TV-ga Qaranka uga hawl-gala, magaalada Londonna 14 qof. Ma caqli baa? Oo miyaad ka siisanaysaan?

Radio Hargeysa haddii aad u baahato Jadwalka uu hawada ku galo, toddobaadkiiba mar ayaa la sameeyaa oo aad garanaysaa saacad kasta iyo maalin kastaba waxaad dhegaysan doonto. Halka TV-ga Qaranku aanu lahayn jadwal caynkaas ah, xataa mid maalinle ah. Shaqaalaha dibaddu waa 34 iyo 85 shaqaale ah oo gudaha Hargeysa iyo gobollada ka hawl-gala. Mushkiladduna ma aha shaqaalaha, bal se waa hoggaaminta oo tan iyo maalintii TV-ga la taagay aan wax hawl ah qaban, saacado ku soo hamaansaday oo ay si habaqle ah u buuxiyaan mooyaan e’. TV-ga Qaranka ma cid baa ka dareentay barnaamajyo naf leh oo shaqaalaha London ka hawl-galaa soo diraan. Halkaa qudheeda mushkiladdu ma aha shaqaalaha bal se waa hagidda iyo agaasinka. Waxa noo qorshaysnayd in shaqaalahaa la dhimo, hawl-gelintoodana la hagaajiyo. Far ayuun baan idiin daray, ee qabyada meesha taallay waa ay badan tahay.

Wargeyska Dawan waxa ka hawl-gala in ka badan 45 qof. Wargeysku ra’yal-caamka wax kama beddelo, dhaqaale ma soo hooyo. Bal hadda idinku sheega sababta ay u jirto. Waxaad ag dhigtaan kuwa gaarka ah ee afarta qof ka hawl-galaan. Bal adba! Mar kasta mushkiladdu shaqaalaha ma ahaa waayo wax badan ayaa lagu qaban lahaa, bal se hoggaamin iyo hal-abuur la’aan ayaa jirta. Hubsiino la’aanta iyo xog-la’aanta ayaa wax walba ka daran. Shaqaalahaasi waxay habi lahaayeen TV-ga iyo Radioga haddii la jihayn lahaa oo la hawl-gelin lahaa. Qorshe hawleed istaraatejiya oo shan sannadood ah ayaanu u samaynnay oo weliba xil-wareejintii ku darnay.

27/8/2012ka:

Habeennimadii:

Madaxweynaha ayaa ii yeedhay habbeennimadii sida aan ku helay farriin tilifoon ahayd. Aniga oo yar xanuunsanaya oo hargab kala imid Addis-Ababa oo roobbanayd, ayaan sii luuday. Dooddan iyo sheekadaniba waxay ka dhacayaa guriga Madaxweynaha. Madaxweynuhu wuxu la soo fadhiistay laba warqadood oo gacan ku qornaa, muraayadahii indhahana waa uu xidhnaa. Waxaan is-leeyahay warqaddu khad cas ayay ku qornayd, qalinna waa uu haystay, sidanna waxa u dhacay kulankayagii:

(La soco………………………………….)

Booliiska Kenya Oo Mombasa Ku Dilay Xubno Ay Ku Sheegeen Inay Xiriir La Lahaayeen Xarakada Al-shabaab Ee Soomaaliya

Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

Toogashadan ayaa timid kaddib markii booliiska Kenya ay u dhaceen saakay aroortii hore guri ay uga shakisnaayeen inay deggenaayeen kooxaha islaamiyiinta ah oo ku yaalla deegaanka Majengo oo ka tirsan magaalada dekedda leh ee Mombasa.

“Waxaan dilnay hal ruux oo laga shakisnaa, sidoo kale waxaan dilnay mid kale oo isku dayay inuu baxsado,” ayuu yiri ku xigeenka taliyaha booliiska gobolka xeebta dalka Kenya ku yaalla, John Gachomo, isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay eryadeen kooxo kale oo goobta ka baxsaday.

Dowladda Kenya ayaa shaki weyn ka qabta in kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalkeeda ku sugan ay taageero ka helaan Xarakada Al-shabaab, ayna horay dhowr jeer uga fuliyeen qaraxyo ay dad badan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Booliisku waxay sidoo kale sheegeen inay ka heleen guriga ay weerareeen hub ay ka mid yihiin bastoolad, saddex bambooyinka gacanta ah iyo rasaas. Iyadoo hubkan la qabtay uu kusoo beegmayo xilli ay kordhayaan Islaamiyiinta iskahorimaadyada la galaya ciidanka booliiska Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacaya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ahayd xilligii ay Kenay go’aansatay inay Al-shabaab kula dagaalanto gudaha dalka Soomaaliya, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag xiriir dhow la leh Al-shabaab oo ku sugan dalkaas.

Falalkan ammaan-darro ayaa waxay sababeen inay hoos u dhacaan dadkii dalxiis ahaanta u tegi jiray dalka Kenya, iyadoo dhowr jeer oo hore Al-shabaab ay ugu goodisay Kenya inay ka geysan doonto dalkeeda qaraxyo aargudasho ah.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay qabsadeen hal sano kaddib howgalkooda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo ay u arkayeen inay tahay xudunta ay Al-shabaab iska soo abaabulaan, basle weli waxaa gudaha dalkaas ka dhacaya falalkii ammaan-darro.

 

Source:Hiiranonline